Barlamanka Somalia oo sharci kasoo saaraya darbiga Kenya

Image

14 Nov, 2015 (GO)-Kulan ay isugu yimadeen xildhibaanada Barlamanka Federaalka 13 Nov, 2015 ayaa cod u qaadey darbiga la sheegey in dalka kenya ka dhisayo xadka uu la wdaaago dalka Somalia.

Kulankaan oo ay shir gudoominayen guddoomiyaha Barlamanka iyo labadiisa ku-xigeen ayaa waxaa loogu qaybiyey xildhibanaada qaraar ay kasoo diyaariyeen derbiga dowlada Kenya ka dhiseyso xuduudka Somalia la wadaagto guddiyada arrimaha gudaha iyo dibada.

Qaraarkaan ayaa xildhibaanada dowlada Federaalka u akhriyey guddoomiyaha ku-xigeenka guddiga arrimaha dibada Barlamanka.

Xildhibanaada Barlamanka oo dhageystey qaraarkaan ayaa talooyin ay soo jeediyeen ku sheegey in sharci loo badalo arrimaha derbiga dowlada Kenya ka dhiseyso xadka Somalia la wareegto.

Talooyinka kadib ayaa guddoonka Barlamanka Federaalka Somalia xildhibanada waydiiyey iney u codeeyaan soo jeedintooda taasoo ku meel mariyeen cod aqlabiyad ah.

Guddiyada arrimaha gudaha iyo dibada ayaa la siiyey waqti gaaraya 48 saac iney ku soo diyaariyaan sharcigaan.

Dowlada Kenya ayaa sheegtey iney qorsheyneyso in darbi ka dhisto xuduudka la wadaagto wadanka Somalia kadib markii weeraro kaga yimaadeen ururka Al-shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan gudaha dalka Somalia kuwasoo ka howlgala deganaada Jubooyinka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM