Barlamanka Somaliland oo diidey lacago la saarey Gaadiidka

Image

HARGEYSA, April 11,2015 ( GO)- Kulan maanta isugu yimaadeen Barlamanka Somaliland ayuu ku diidey lacag cashuur ah oo la saarey bil ka hor gadiidka kasoo gala maamulkaas  xuduudaha iyo dakada magaalada Berbera.

Labo iyo Labaatan xildhibaan ayaa soo hordhigey Barlamanka mooshin lagu laalayo cashuurtaan lagu soo rogey gadiidkaan iyadoo boqolaal gawaari ah ku xaniban yihiin dekada magaalada Bebera kadib markii ganacsadu diidey iney bixiyaan lacagahaas.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo mooshinkaan lagu diidayey cashuurtaan lagu soo rogey gadiidkaan ka hor akhriyey Barlamanka ayaa sheegey in xukuumada aysan lacagtaan dheeriga ah soo marin aqalka wakiilada sidaa darteedna tahay mid xaaraan ah waa sida hadalka u dhigaye.

Gudoomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxman Maxamad Cabdulahi Ciro ayaa soo jeedinta kadib ku dhawaaqey in cod loo qaadayo mooshinka lagu laalayo takaalifta la saarey gadiidka cusub.

Sagaal iyo Sodon mudane ayaa codbuuxda isku raacdey in cashuurtaam dheeriga ee la saarey gadiidkaan la laalo halka Toban xildhibaan ka aamuustey.

Codka lagu diidey cashuurtaan ayaa waxaa isku raacey xildhibaanada mucaaradka ah iyo kuwa ka tirsan xisbiga xukuumada ka dhisan tahay taasoo noqotey talaabo ka fajacisa dowlada madaxweyne Siilaanyo.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM