Barlamanka Somaliland oo diidey lacago la saarey Gaadiidka

Image

HARGEYSA, April 11,2015 ( GO)- Kulan maanta isugu yimaadeen Barlamanka Somaliland ayuu ku diidey lacag cashuur ah oo la saarey bil ka hor gadiidka kasoo gala maamulkaas  xuduudaha iyo dakada magaalada Berbera.

Labo iyo Labaatan xildhibaan ayaa soo hordhigey Barlamanka mooshin lagu laalayo cashuurtaan lagu soo rogey gadiidkaan iyadoo boqolaal gawaari ah ku xaniban yihiin dekada magaalada Bebera kadib markii ganacsadu diidey iney bixiyaan lacagahaas.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo mooshinkaan lagu diidayey cashuurtaan lagu soo rogey gadiidkaan ka hor akhriyey Barlamanka ayaa sheegey in xukuumada aysan lacagtaan dheeriga ah soo marin aqalka wakiilada sidaa darteedna tahay mid xaaraan ah waa sida hadalka u dhigaye.

Gudoomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxman Maxamad Cabdulahi Ciro ayaa soo jeedinta kadib ku dhawaaqey in cod loo qaadayo mooshinka lagu laalayo takaalifta la saarey gadiidka cusub.

Sagaal iyo Sodon mudane ayaa codbuuxda isku raacdey in cashuurtaam dheeriga ee la saarey gadiidkaan la laalo halka Toban xildhibaan ka aamuustey.

Codka lagu diidey cashuurtaan ayaa waxaa isku raacey xildhibaanada mucaaradka ah iyo kuwa ka tirsan xisbiga xukuumada ka dhisan tahay taasoo noqotey talaabo ka fajacisa dowlada madaxweyne Siilaanyo.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM