Bayle: Jubbaland iyo Puntland dekedo ayay leeyihiin ee dakhliga tan Muqdisho waxba kama helaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo dhowaan wareysi siiyay Somali American TV ee Weriye Cali Xaraare ayaa ka hadlay sida dhaqaalaha u qeybsadaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay in Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ay dowladda federaalka bil kasta ka helaan kab miisaaniyadeed oo dhan $150 kun oo doolar, “waa haddii loo helo”, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in Jubbaland iyo Puntland aanan lacagtaasi la siinin maadaamaa ay leeyihiin dekedo.

“Iyaga dakadahooda waxbo nagama siiyaan, anaga teena Muqdisho waxbo kama siino, in la mideeyana weli laguma heshiin “ ayuu yiri wasiir Bayle.

Wuxuu kale oo uu sheegay in lacagaha kabka miisaaniyadda ee beesha caalamka ka yimaada loo qeybsado hadba sida loo kala miisaaniyad badanyahay, cid kastana wax la gaarsiiyo.

Waxaa kale oo jira mashaariicda oo ku xiran hadba baahida jirta markaas, isaga oo tusaale usoo qaatay fatahaadaha oo uu sheegey in lacagtaas la siiyo hadba dowlad goboleedka ay fatahaadaha ka jiraan.

Wuxuu adkeeyay in ay muhiim tahay isfahamka iyo wada shaqaynta wasiirka maaliyadda iyo wasiiradda dowlad goboleedyada, isagana uu sidaasi wax ku waday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM