Bayle oo qashinka ku daray warar ay faafiyeen kooxda Farmaajo

Image
Wasiirka Maaliyadda ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna sheegay in dadka faafiyey ay saameeyeen mas’uuliyad darro.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda fedeeraalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo muuqaal kooban soo duubay ayaa ka hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay qasanadda uga tegtay lacago badan, isla-markaana ay buuxaan.

Bayle ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna sheegay in dadka faafiyey ay saameeyeen mas’uuliyad darro aad u weyn sida uu hadalka u dhigay.

“Qolooyin oranaya qasnadaheena ayaa buuxa lacago fara badanbaa laga tegay waxyaalaha noocaan oo kalaa aniga runtii waxaan u qaadanayaa mas’uuliyadda darro waxaa kale oo taa ii wehliyo oo aan maqlayaa wasiir Bayle ayaa sidaas yiri,” ayuu yiri wasiirka maliyadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaan doonayaa dadyahow Soomaaliyeed aniga kolaba inaan been sheego laygama baran waxaan jecelahay in marwalba wixii jira oo run ah oo la taaban karo inaan idinla wadaago,”.

Wasiir  Bayle ayaa xaqiijiyey in aysan hadda buuxin qasnadda dowladda, isla-markaana aysan jirin lacag looga tegay, wuxuuna xusay in xaqiiqada jirta ay sidaasi tahay.

“Qasnadaheenaa buuxa anigu ma oran, mana buuxaan. ciddii tiraahdana waa mas’uuliyad darro runtiis sidaas ayaa xaqiiqadu tahay,” ayuu markale yiri wasiir Bayle.

Ugu dambeyn wuxuu qiray in dakhliga dowladda uusan markasta ku filneyn dalkeena, balse ay ku dadaalayaan in 25-ka bil kasta la bixiyo mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, iyada oo horey taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo ee loo yaqaano CBB in ay aad u faafiyeen wararka la xiriira in dowladdu ay ka tegtay lacago badan oo ku jira qasanadda taasoo ugu dambeyn uu beeniyey wasiirku.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM