BBC Somali oo kala direysa kala bar shaqaalaheeda

Image
Isbadelkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha weyn ee BBC-da ee ay ugu guureyso dhanka Baraha Bulshada.

LONDON, UK - Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa todobaadkan shaqaalaheeda Nairobi u sheegtay in ku dhowaad kala bar ay wixii hadda ka dambeeya raadsan karaan shaqooyin kale, iyada oo sidoo kale la xirayo qaar ka mid ah barnaamijyada idaacadda ka baxa.

BBC Somali oo Nairobi loosoo raray sanadkii 2018-kii si loo beekhaamiyo qarashaadkii London ku bixi jirey ayaa waxaa hadda u shaqeeya illaa 25 qof, kuwaas oo 11 ka mid ah albaabka ay ka dagayaan sanadkan.

Waxaa sidoo kale la shaaciyay in la xirayo idaacadda duhurnimo iyo gebi ahaanba idaacadaha baxa maalmaha Sabtida iyo Axada.

Laamaha Kale ee BBC-da

Nairobi waxa ay xarumo u tahay laamo kale oo BBC-da ka tirsan iyo barnaamijyo gaar ah sida barnaamij ka hadla dumarka oo She World  loo yaqaano iyo kan Fake News, waxaana xarunta weyn ee Nairobi ka hawlgalayay dhawr boqol oo qof.

Hase yeeshee hadda waxaa la dirayaa wax ka badan boqol shaqaale ah wadarta guud.

Taleefishinka BBC Somali

Qeybaha kale ee BBC-da la xirayo waxaa ka mid ah Taleefishinka BBC Somali, kaas oo la sheegay in ugu dambeyn albaabada la isugu laabayo bisha Maarso ee sanadka soo socda.

Waxa uu shan maalmood oo todobaadka ka mid ah habeenkii baxaa qadar 30 daqiiqo dhan, mana ahan qeyb aad u shaqaale badan.

Isbadelkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha weyn ee BBC-da ee ay ugu guureyso dhanka Baraha Bulshada, islamarkaasna ku dhimeyso laamaha aanan hadda laga lahayn danihii siyaasadda ee berigii la furayay laga lahaa.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM