Beesha Caalamka oo "aan ictiraafi doonin" doorashada Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay mushkilada doorashada Galmudug ayaa sheegay in Beesha Caalamka "aysan ictiraafi doonin" natiijo kasta oo soo baxda.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ku baaqay in "gacanta laga qabto" xukuumada oo "waddo qardajeexa ku wada" hanaanka coddeynta.

Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya iyaddoo maamulku qarka u saaran yahay in uu yeesho hogaan kala duwan maadaama ay jiraan guddiyo doorasho oo kala taabacsan Xaaf, Ahlu Sunna iyo Villa Somalia.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Madaxda Dowladda Federaalka ee haatan joogta ma aysan fara gashan doorashadii Galmudug ka dhacday bishii Maarso 2017-kii ee lagu doortay madaxweyne Xaaf. Sidaas darteed doorashadaas haba yaraatee wax qalqal, is qabqabsi iyo xasillooni darri ah kama dhalan.

Maantase way ka duwan tahay oo waxay soo magacawday guddi farsamo oo shaqaalaha rayidka dowladda ka tirsan, waxay odayaashii dhaqanka ka dhaceen magacaabistii xildhibaannada , iyagoo xildhibaan kasta damiin uu ka yahay ruux dowladda u shaqeeya oo xilkiisa waynaya haddii Xildhibaankiisu la kulmo amaba u codeeyo musharraxa aan ahayn kan dowlada wadato.

Waxay afduubeen guddigii doorshada Galmudug. Markii la waayey cid is diiwaan gelisa, waxay keeneen nin hal maalin aan musharraxnimo sheeganin, balse ka tirsanaa ololaha doorashada musharraxa dowladda.

Waxaa diiday musharraxiintii, odyaashii, Ahlusunna, Gudiga uu Prof Shirwac hoggaamiyo oo ay beesha xilka ku tartmaysa ka soo jeedaan. Ugu danbayntiina Beesha Caalamka ayaa qaylo dhaan afka yeertay.

Waxaan waydiinayaa reer Galmudug xaggey joogtaa dowladda maamul u dhisaysa Galmudug? Haddiise maamulka haatan la dhisayo dul saar ku noqdo hoggaanka dowladda ee haatan jira, sanad ka dib yaa bixinaya? mise sidii madaxweynihii hore ee Galmudug ayuu is casilayaa haddii doorshada federaalka saaxiibkiis looga guulaysto.

Waxaan u baahannahay Galmudug aan cillin ahayn, cidna dul saar ku ahayn. Yaan lagu daalin doorasho loo qabanayo musharrax iyo malxiiskiis oo ay saamilaydii siyaasadeed ee Galmudug si aan kala har lahayn u qaaddaceen, beesha caalamkana sheegeen in aysan ictiraafi doonin natiijadeeda maadamaa aan loo dhammeyn, la iskuna raacsanayn.

Cidii Galmudug u naxaysa qolada wadada qardajeexa ku wada gacanta ha qabtaan.


GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM