Beesha Caalamka oo "hakisay" iskaashigii amni ee dowlada
MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa "hoos-u-dhigtey" wadashaqeyntii dhanka amaanka ee kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya, sidda ay muujinayaan warbixino soo baxaya.
Howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhankiisa waxaa lagu waramay in uu "dhimay" iskaashiga hay'adaha ammaanka Soomaaliya gaar ahaan is-dhaafsiga macluumaadka mukhaabaraadka.
Talaabadan ayaa lala xiriirinayaa in mas'uuliyiinta nabad-gelyada ee hay'adaha dowladda federaalka ay ku mashquuleen wax u muuqdo olole siyaasadeed iyo kamid noqoshadda baarlamaanka 11aad.
Illo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey in taliska AMISOM uu xoojiyey fariisinka koowaad ee garoonka diyaaradaha Muqdisho una diidayo madaxda Soomaalida in ay madaarka la galaan ilaalo aad u hubeysan.
Saraakiil sirdoon ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in go'aankan uu salka ku hayo "khatar dhanka ammaanka ah oo ay dareemeen diblumaasiyiinta Xalane iyo cabsida weeraro Al-Shabaab".
Dayacaad ka timid hogaanka Soomaalida
Ismaaciil Daahir Cusmaan, taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, ayaa talaabada beesha caalamka iyo AMISOM u aaneeyay "dayacaad ka timid madaxda Soomaalida".
"Maanta oo lagu jiro 2022-ka in AMISOM ay qad cagaaran dhigto xeyndaabka garoonka Aadan Cadde waxay tusinaysaa fashilka amni, in ay dhamaatay kalsoonidii dowlada federaalka iyo beesha caalamka iyo in ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta oo ahayd in gacan ku maamulo doorashada gacanta amniga wax uga qabto uu dayacay," ayuu yiri.
Ammaanka ayaa kamid ah mawduuca ugu xasaasisan dowlad-dhiska Soomaaliya. Waa meesha ay dhaqaalaha ugu badan ku bixiyaan deeq-bixiyeyaasha. Balse, illaa haatan waa mid u nugul argagixisada.
"12-kii bilood ee u dambeysay waxaa si xoog ah u sii kordhaya awooda Al-Shabaab. In amaro ay argagixisada bixiyeen lagu xiro suuqa bakaaraha iyo in maalin cad ay weeraro ka geysanayaan Muqdisho waxay tusinaysaa in amniga uu noqdo mid muhiimadii uu lahaa aan la siin lana siinin tixgelintii uu lahaa," ayuu hoosta ka xariiqay khabiirkan.
Bishan Febraayo ee sii dhamaanaysa, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa Muqdisho ka fuliyey in ka badan 20 weeraro qorsheysan. Illo amni waxay xusayaan in maleyshiyadda ay maleegeyso tirro kale.
GAROWE ONLINE