Beesha caalamka oo ka jawaabtey dalabka joojinta taageerada Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ku hungowday dalab ay Beesha Caalamka u gudbisay, kaasoo ahaa in la joojiyo dhaqaalaha ay siiyaan Somaliland, iyo in aysan cusbooneysiinayn heshiis maamulka Hargeysa saami ku siimanaya Deeqaha caalamka.

Heshiiskaan oo lagu saxiixay Magaalada Brussels sanadkii 2013-kii, ayaa wuxuu dhigaya in iyadoo la eegayo xaalada gaar ahaaneed ee Somaliland, ay muhiim tahay in qoondo ay ku yeelato lacagaha ay ka hesho xukuumada Muqdisho Deeq-bixiyaasha.

Sida uu Warsidaha Garowe Online horey ubaahiyay Dowladda Soomaaliya diidmadeeda waxay qiil uga dhigtay sababo badan, oo ay kamid yihiin inay Somaliland kusii dhiiro gelineyso inay kasii go'do Soomaaliya, iyo inuu wiiqayo nidaamka Federaalka ee dalka ka hir-galay.

Sikastaba, hay'adaha maamula deeqaha la siiyo dalka Soomaaliya oo kasoo jawaabay dalabka dowladda, ayaa si cad u sheegay in markii la saxiixayey heshiiskaan aanu ku jirin qodobadii leysku raacay in Soomaaliya ay diidi karto in la cusbooneysiiyo.

"Sidaas darteeda waxaan filaynaa in la cusbooneysiiyo heshiiska, kaasoo kaliya aanan dan u ahayn Somaliland, iyo xiriirkeena gargaar ee Dadka Soomaaliya, balse ay dani ugu jirto dhamaanteena, ayna u abuureyso rajo wanaagsan," ayay hadalkooda ku dareen.

Qoraalkan ayaa jawaab u ah dalabka Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ee ku aadan in aan la cusbooneysiinin heshiiska qoondada taageerada dhaqaale ee Somaliland. [Halkan ka akhri].

Waraaqdaan oo lagu soo hagaajiyey Ra’isal wasare ku xigeenka dowlada Federaalka ah Mahdi Maxamud Guuled ayaa waxa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu ka hor yimid go’aanka Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga uu ku diidey in deeqdaan sii socoto hadii maamulka Somaliland weli ku taagan tahay mowqifkooda  goosashada ah.

Mahdi oo dhalasho ahaan kasoo jeeda maamulka Somaliland ayaa sida wararka sheegayaan olole ka galay in beesha caalamka diido codsiga Wasiirka islamarkaana soo saarto qoraalkaan.

Ugu dambeyntii, waxay u balanqaadeen dowladda Federaalka inay hadii ay uga baahato faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan go'aankooda ay siin doonan, islamarkaana ay diyaar ula yihiin talooyin iyo fekrado horey loogu socon. 

HALKAN KA AKHRI QORAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM