Beesha Caalamka oo walwal ka muujisay xaalada Soomaaliya

Image
Qoraal ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in muhiim ay tahay hirgelinta heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021.

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo walwal ka muujisay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee kusoo kordhay siyaasadda Soomaaliya ayaa ku baaqdey joojinta adeegsiga xoogga iyo ciidamadda difaaca qaranka.

Qoraal ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in muhiim ay tahay hirgelinta heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah".

Sida ku xusan bayaankan lagu daabacay barta internet-ka ee xafiiska Qaramada Midoobay, diblumaasiyiinta ayaa doonaya in madaxda Soomaalida ay danta qaranka ka horumariyaan midda guud.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Saaxiibada beesha caalamku waxay iyagoo aad uga walaacsan si dhow ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida.

Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya.

Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah.

Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed.


Soomaaliya ayaa haatan ku jirta qalalaase doorasho oo ka dhalatay markii labada xafiis ee ugu sareeya dalka ay isku-maan-dhaafeen qaabka loo maareynayo hanaankan una noqon lahaa mid daahfuran oo aan la boobin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM