Beesha Caalamka oo yaraysay taageeradii dhaqaale ee dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO — Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay gaartay horumar la taaban karo oo dhinaca dhaqaalaha ah, hase yeeshee taageeradii horumarineed ee ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha waaweyn ayaa hoos u dhacday, taasoo saameyn ku yeelatay kobaca dhaqaalaha dalka, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige wareysi uu siiyay CNBC Arabia.

Wasiirka ayaa sheegay in dalka uu diiwaangeliyay kobac dhan 4% sanadkii 2024, balse saadaasha sanadkan 2025 ay hoos ugu dhacday ku dhowaad 1%. Waxa uu hoos u dhaca ku sababeeyay yaraanta taageerada dibadda, isagoo xusay in barnaamijyada deeq-bixiyayaasha ay door muhiim ah ka ciyaareen horumarinta dalka.

Inkasta oo caqabadahaasi jiraan, Wasiir Cige ayaa sheegay in dowladda federaalka ay waddo dib-u-habeyn dhinaca maaliyadda, nidaamyada cashuuraha iyo awoodda hay’adaha, si loo kordhiyo dakhliga gudaha, oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta maalgelinta muddada fog ee dalka.

Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay sidoo kale horumar weyn ka samaysay dijitalaynta iyo otomaatiga nidaamyada cashuuraha, taasoo keentay in dakhliga gudaha uu kordhay in ka badan 80% saddexdii sano ee la soo dhaafay, inkastoo dalka uu ka bilowday saldhig dakhli oo hooseeya.

Miisaaniyadda qaranka ayaa kordhay 24% sanadihii 2024 iyo 2025, balse Soomaaliya wali waxay wajahaysaa baahi weyn oo maalgelin ah, iyadoo dakhliga gudaha uu si tartiib tartiib ah u kordhayo. Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay xooga saarayso kharashaadka bulshada, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka iyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Biixi Iimaan Cige ayaa intaa ku daray in dakhliga gudaha ee waxbarashada uu ka kacay 3% ilaa 10% saddex sano gudahood, taasoo muujinaysa awood sii kordheysa oo dowladda u leedahay maalgelinta horumarinta mudnaanta leh.

Sidoo kale, wasiirka ayaa cadeeyay in dowladda ay qaadatay hab taageero oo bartilmaameed leh, halkii ay ka isticmaali lahayd gargaarka guud ee aan la kala soocin, si loo gaaro bulshada ugu baahan taageerada si waxtar leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM