Berbera: Somaliland oo la degtey hubkii saarnaa markabka [DAAWO]

Image
Image
Image

February 2, 2015 (GO)- Maamulka Somaliland ayaa la degey hubkii saarnaa markabka MV Shakir ee todobaadkii hore kusoo xirtey dekedda magaalada Berbera.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta shir-jaraa'id Berbera ku qabtey, ayaa xaqiijiyey in dhulka lasoo dhigey dhammaan gaadiidkii iyo hubkii uu markabkaasi wadey. Waran-cadde faah faahin kama bixin sababta loo dejiyey hubka.

"Waxan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo markabkii MV Shakir ee hubka sidey inaan hubkii ka rogney xalay, hubkaasina ahaa mid sharci darro ah" ayuu yiri.                                                                                                                                           

Yaa leh hubka?

Mar la weydiiyey inay macluumaad dheeri ah ka hayaan hubkaas iyo halka loo wadey, wuxuu sheegay inay jiraan mas'uuliyiin kala soo xiriiray dalka Sudan, halkaasoo hubkan markiisii hore laga soo raray.

Eedeynta Puntland waa been abuur!

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde wuxuu dhanka kale si kulul uga jawaabey eedeyntii uga timid Puntland, wuxuuna sheegay in Wasiirka Amniga Puntland u gefey qaranka Somaliland islamarkaana ku hadalay ereyo wax u dhimi kara cilaaqaadka labada dhinac iyo nabadgelyada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Puntland ayaa walaac ka muujisey hubka Berbera laga soo dejiyey iyadoo ku doodey inuu halis gelin karo ammaanka gobolka Geeska Afrika, islamarkaana ay suurogal tahay inuu gacanta u galo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta buuraleyda Golis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM