Biden oo cunaqabatayn cusub ku soo rogay Ruushka

Image
Cunaqabataynta ayaa lagu bartilmaameedsanayaa deynta madaxbanaanida ee Ruushka.

WASHINGTON, USA – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka, isagoo ku tilmaamay aqoonsiga Moscow ee labada gobol ee ka go'ay bariga Ukraine in ay yihiin kuwa madax bannaan "bilowgii duulaanka Ruushka" ee deriskeeda.

Khudbad kooban oo uu jeediyay Talaadadii, Biden wuxuu cambaareeyay go'aankii dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin uu ku aqoonsaday madax-bannaanida Luhansk iyo Donetsk iyo oggolaanshaha in la geeyo ciidamada Ruushka si ay "u ilaaliyaan nabada" gobollada.

“Qof annaga naga mid ah laguma siri karo” sheegashada madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ku saabsan Ukraine, ayuu yiri madaxweyne Bidne. Wuxuu intaasi ku daray in cuna-qabetyno kale ay jidka ku soo jiraan, haddii uu Putin ku dhaqaaqo duulaanka.

"Haddii Ruushku ku sii dheeraado duulaankan, waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno cunaqabataynta," Biden ayaa yiri.

Cunaqabataynta ayaa lagu bartilmaameedsanayaa deynta madaxbanaanida ee Ruushka iyo sidoo kale laba hay'adood oo maaliyadeed oo Ruush ah, oo ay ku jiraan bangiga militariga ee dalka, ayuu yiri Biden.

"Taasi waxay la macno tahay inaan dawladda Ruushka ka jarnay maalgelinta reer galbeedka. Wax lacag ah kama soo ururin karaan reer galbeedka, mana ka ganacsan karto deynta cusub ee ay ku leedahay suuqyadeena ama suuqyada Yurub midkoodna,” ayuu ku daray madaxweynaha Mareykanka.

Isniintii, Putin waxa uu aqoonsaday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbaanida ee Donetsk People’s Republic (DPR) iyo Luhansk People’s Republic (LPR) – meelaha ay ka socdeen dagaallo u dhexeeya gooni-goosadka ay taageerto Moscow iyo dowladda Ukraine tan iyo 2014-kii.

Ka dib Moscow waxay heshiisyo la saxiixatay dhulalka u oggolaanaya inay saldhig milatari ka sameysato bariga Ukraine.

Maamulka Biden ayaa markii hore kaga jawaabay cunaqabatayn lagu bartilmaameedsanayo ganacsiga labada gobol, laakiin tillaabooyinka Talaadada ayaa daba socda Ruushka laftiisa.

"Waxaan sidoo kale ku soo rogi doonaa cunaqabatayn madaxda Ruushka iyo xubnaha qoyskooda. Waxay wadaagaan faa'iidooyinka musuqmaasuqa ee siyaasadaha Kremlin waana inay sidoo kale la wadaagaan xanuunka," ayuu yiri Biden.

Saraakiisha Mareykanka iyo Yurub ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sheegay in ay rumeysan yihiin in Ruushka uu qorsheynayo duullaan ballaaran oo lagu qaado Ukraine.

Jarmalku waxa uu joojiyay ansixinta Nord Stream 2, oo ah dhuunta gaasta ee uu Ruushku leeyahay oo dhan $11bn ee mara badda Baltic. Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday cunaqabatayn la saaray saddex bilyaneer oo Ruush ah iyo shan bangi, Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in Ruushka uu yeelan doono “xaalad go’doomin ah” haddii uu sii wado duulaanka uu ku hayo Ukraine.

Quwadaha reer galbeedka ayaa muddo bilo ah ka digayay in Ruushka oo ay sheegeen in uu ciidamo ku ururinayo meel u dhow xadka Ukraine uu diyaar u yahay inuu ku duulo dalka deriska la ah.

Ruushka ayaa horey u diiday inuu qorsheynayo inuu duulaan ku qaado, balse wuxuu si weyn uga soo horjeestay dadaalka Ukraine ay ugu biireyso NATO.

Moscow waxay sidoo kale dooneysaa dammaanad amni oo ah in xulafada uu hoggaamiyo Mareykanka ay joojin doonaan ballaarinta NATO ee jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka, laakiin Washington iyo NATO ayaa diiday dalabka iyagoo ah "mid aan bilow ahayn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM