Bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo mar kale hakad la geliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay shaacisay in si ku meelgaar ah loo hakiyey qabashada codsiyadda baasaboorka.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed, go'aankaan ayaa la xiriira ka hortagga faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Corona.

Joojinta ayaa bilaabaneysa 7-da April sanadkan 2020 oo ku beegan maalinta berri oo Talaado ah, sidda ku xusan bayaanka.

"Digniinaha caafimaadka iyo Xaaladaha Caabuqa Karoonaha oo saameeyey isku socodka iyo xaafiisyada kale ee bixiya adeegyada la xariira bixinta baasaboorka awgood, Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa in laga bilaabo maalinimada Talaadada ah, taariikhduna tahey April 7, 2020 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe," ayaa lagu yiri qoraalka.

Kiisaska Covid-19 ee laga helay Soomaaliya ayaa gaaraya sagaal; todoba kamid ah waxay joogaan Muqdisho, oo ay ku jiraan laba ajnabi ah, halka labada kale laga soo wariyey degaanada Somaliland.

Wasaarada Caafimaadka federaalka ayaa warisay in bukaanada xaaladoodu wanaagsan tahay, balse ay karan-tiilka kusii jiri doonan.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horey daaha uga rogay in muddo uusan cayimin ay joogsan doonan shaqooyinka xafiisyadda dowladda ee aan muhiimka ahayn si loo badbaadiyo nolosha shaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM