Biyo la'aan ka jirta Buurhakaba iyo deegaanada hoos taga

Image

March 10, 2015 (GO)- Biyo la'aan baahsan ayaa laga soo sheegayaa degmada Buurhakaba ee gobolka Bay iyo deegaanada hoos taga.

Qiimaha biyaha ayaa aad kor ugu kacay, waxaana lagu soo waramayaa in halkii fuusto oo biyo ah lagu kala iibsanayo shan doolar oo u dhiganta boqol kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Ceelashii biyaha laga dhaamin jirey ayaa intooda badan gurey, maadaama markoodii horeba ay ahaayeen kuwo xilli roobaadka ku xiran oo marka abaarta la gaaro qallala.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa biyo dhaamis laga waday dhulka miyiga ah ee Buurhakaba hoos taga, waxaase adag in biyaha la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan.

Abaarta oo ka jirta dhul badan oo ka tirsan gobolka Geeska Afrika, waxay sidoo kale saamaysay qaar kamid ah deegaanada Puntland, inkastoo xaaladoodu sahlan tahay marka loo barbar dhigo tan ka jirta gobolka Bay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM