Bogga Facebook-ga ee taliyaha ciidanka xoogga oo la jabsadey

Image
Taliska milatariga Soomaaliya oo xaqiijiyey dhacdadan ayaa la xiriiray burcad uusan magacaabin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciwaanka gaarka ah ee barta Facebook-ga uu ku leeyahay taliyaha milatariga Soomaaliya, Odowaa Yuusuf Raagge, ayaa la jabsadey, sida ay xaqiijisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Wakaaladda wararka qaranka ee SONNA oo soo xiganeysa taliska ciidamadda xoogga dalka ayaa ku warantey in burcad aysan magacaabin ay la wareegeen maamulka ciwaankan.

Sida laga soo xigtey warbixinta, taliska ciidamadda xoogga Soomaaliyeed wuxuu ku howlan yahay sidii uu dib ugu soo celin lahaa ciwaanka waxaana ka shaqeynaya khuburo kala duwan.

"Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu Dhammaan Bulshada soomaaliyeed la socodsiineynaa in la jabsaday Page-ka uu Baraha Bulshada ku lahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odawa Yusuf Rage," ayay tiri SONNA.

Warbixinta waxay raacisay: "Hadaba wuxuu Talisku kaaga digayaa in aan lagu kadsoomin farriimo ama waxyaaba kale oo ay suuragal tahay in ay kaaga imaan kara burcadda jabsatay".

"Talisku wuxuu hadda Gacanta ku hayaa sidii uu dib ugu soo celinlahaa maamulka bogga gaarka ah ee Taliyaha, insha Allah marka dib loosoo celiyana dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa," ayaa lagu soo xiray.

Saacadihii horey ee maanta ayay ahayd markii ay soo ifbaxdey in loo dhacay page-ka Facebook-ga ee taliye Odowaa Yuusuf Raagge waxaana lagu faafiyey muuqaal live ah oo la tuhunsan yahay in burcadda soo gelisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM