Booliska Banaadir oo iska fogeeyay ciidamada dagaalamay

Image

16 November, 2015(GO)-Taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir Gen: Cali Xirsi Barre "Cali Gaab", ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan dowladda Somalia ku dagaalameen inta u dhaxaysa degmooyinka Hodon iyo Dayniile ee gobolkaas.

Cali Gaab ayaa qiray in dagaalku dhacay, balse waxa uu sheegay inay ahaayeen Mallayshiyaad aan ka tirsanayn ciidanka dowladda kuwaasi oo ku soo labistay dharka ciidanka dowladda Somalia.

Taliyaha ayaa xusay sababta keentay in shacab lagu dhex dagallamayo, wuxuuna sheegay inay dhinteen shan qof oo ku jiraan mallayshiyaadka dagaallamay, cunug yar iyo labo haween ah, halka tirada dhaawaca ku sheegay 12 ruux.

Warar madax banaan oo aan ka helayno magalada Muqdishu ayaa beeninaya hadalka taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir, waxayna tilmaamayaan inay tirada dhimashadu intaasi ka badantahay ragga dagaalamayna ka tirsanyihiin ciidanka dowladda Somalia.

Waxaase xaqiiqa ah in dagaalkan uu salka ku hayo cidda masuul ka noqon lahayd raashin loogu talagalay barakacayaal ku sugan Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM