Booliska oo shaaciyey khasaaraha weerarkii Pearl Beach Hotel

Image
Todoba dabley ayaa lagu waramay in ay fulisay falkan kuwaas ay kamid ahaayeen is-miidaamiyeyaal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in sagaal qof ay ku nafwaayeen (lix shacab ah iyo saddex askari) weerarkii ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen Pearl Beach Hotel ee magaalada Muqdisho.

Sidda ku xusan bayaankan ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka, todoba dabley ayaa fulisay falkan kuwaas ay kamid ahaayeen is-miidaamiyeyaal.

"Alle mahadii waxaa lasoo badbaadiyey 84 qof shacab ah," ayaa la raaciyey qoraalka oo aan lagu xusin haddii baaritaan dheeri ah la sameyn doono kaasoo lagu ogaanayo sidda ku fulay weerarka.

Dad raadinaya ehelkooda oo markii ugu dambeysay joogay Pearl Beach Hotel oo xalay ay Al-Shabaab weerar qaraxyo ku bilowday ku galeen ayaa ku sugan afaafka dhismahan. Illaa saddex meyd horleh ayaa saaka laga helay goobta.

Weerarkan waa falkii saddexaad ee liddiga ku ah amniga ee illaa hadda bishan June, 2023 ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kadib qarax kale oo galaaftey afar askari kuna dhaawacmeen 8 ruux kale.

Hotel Pearl Beach ayaa waxa uu noqonaya hotel-kii shanaad ee maleyshiyada Al-Shabaab ay weerar toos ah ku beegsadaan wixii ka dambeeyay 15-kii May, 2022-dii oo dib loo doortey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si lamid ah, waa weerarkii todobaad oo toos ah oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ku galaan goobo isugu jira xarumo dowladeed iyo mehrado ganacsi guud ahaan magaalooyinka Soomaaliya kadib 15-kii May, 2022-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM