Boqolka casho xukuumada Xamse: 37 qarax, 287 geeri iyo afar safar

Image
Ammaanka iyo Al-Shabaab ayaa ah xujada ugu weyn ee nabad-gelyada iyo xasiloonida Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Arbacada maanta ah waxay u dabaaldegtey 100-ka maalmood ugu horeysay ee kasoo wareegatay tan iyo markii lagu dhawaaqay bishii August, 2022.

Inkasta oo aysan ahayn muddo miisaan lagu saari karo wax-qabadka xukuumad qaran, warsidaha Garowe Online ayaa dib-u-eegaya tiirka ammaanka iyo xasilinta oo kamid ah balanqaayada Xamse lasoo shir-tagay.

Boqolkaas casho oo ah intii u dhaxeysay August illaa November, 2022, Soomaaliya waxaa la diiwaan-geliyey 37 qarax iyo 11 dhacdo oo kasoo horjeeda nabad-gelyadda kuwaasoo isugu jira dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah.

Qaraxyadda oo badankooda ka dhacay caasimadda ayaa galaaftey nolosha 272 ruux, halka weerarada tooska ah iyo dilalka qorsheysan ay ku naf-waayeen 15 ruux. Dhamaan falalkan waxaa ka dambeysay Al-Shabaab.

Wasiirka koowaad ayaa dowladda federaalka ayaa sidoo kale wuxuu galay afar duulimaad; saddex safar dibadda ah – Tunisa, Itoobiya iyo Jabuuti – iyo hal booqasho gudaha dalka oo uu ku tagay magaalada Beledwayne ee HirShabelle.

Dhacdooyinkii ugu waa weynaa

August 19, 2022: Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa laba qarax iyo weerar toos ah ku beegsatay Hotel Xayaat ee Muqdisho, halkaas oo la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen in ka badan 20 ruux.

Sept, 30, 2022: Taliyihii booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, ayaa lagu dilay qarax miino duleedka Balcad. Ugu yaraan saddex askari oo ilaalo ahayd ayaa isla goobta ku dhintey.

Oct, 3, 2022: Saddex qarax oo ka dhacay magaaladda Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu waramay in ay sababeen dhimashadda ku dhowaad 20 qof iyo dhaawaca in ka badan 40 kale.

Oct 20, 2022: Ugu yaraan 20 qof oo uu ku jiro mas'uul hore ayaa ku dhimatay laba qarax oo siyaabo kala duwan uga kala dhacay magaalooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Oct 29, 2022: Laba qarax oo ka dhacay isgoyska Soobe gaar ahaan agagaarka Wasaaradda Waxbarashadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dilay ugu yaraan 177 oo u badan shacab kuna dhaawacmay in ka badan 300 kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ahaayeen heshiisyada badan ee Cirro lasoo galay Imaaraadka?

Somaliland-na waxay xafiis diblomaasiyadeed ku leedahay UAE, taasoo muujinaysa xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dal.

  • Soomaliya

    30-01-2025

  • 06:01PM

Dadka ku nool Soomaaliya oo 50% aan haysan Koronto ku-filan

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta.

  • Soomaliya

    29-01-2025

  • 05:59PM