Boqor Burhaan oo go’aan ka soo saarey tartanka labo Kursi
BOOSAASO, Puntland - Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga wuxuu ku qoondeeyay kuraasta beesha Cismaan Maxamuud ku leedahay Golaha Shacabka federaalka
War-saxaafadeedkan ku taariikheysan 8-da Febraayo, 2022 ayaa lagu qeexay in uu kasoo baxay kulan uu guddoomiyey kaasoo uu la qaatay cuqaasha saddex beelood ee doonaya kuraastan laga leeyahay gobolka Karkaar.
Bayaankan oo ciwaan looga dhigay "Ujeedo: Qoondeynta Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Beesha Cismaan Maxamuud" ayaa lagu xusay in dhinacyadu isku raaceen in hal kursi loo asteeyay qoondo dumar.
Qaabka uu boqorku u soo gudbiyey qoraalkaan ayaa ka duwan sida madaxda qabaa'ilka kale u soo gudbiyaan beelaha ay u qoondeeyaan xubnaha uga qayb-galaya Golaha Barlamanka Soomaaliya.
"Markii la waayey xarig tanaasula, waxaan guddoominey oo cuqaasha isla qaadaney in Labada xarig ee Bah-Yaaquub iyo Bah-Dubeys ay hal kursi ku tartamaan, Xariga Bah Gareen ayaa loo gartey in ay mudan yihiin in ay u tartamaan kursiga kale oo keligood leeyihiin," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalkan uu arkay warsidaha Garowe Online.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOQORKA
Ujeedo: Qoondeynta Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Beesha Cismaan Maxamuud
Maanta oo taariikhdu tahay 08 Febaraayo 2022 kuna beegan Rajab 7, 1443, waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay shir ay isugu yimaadeen odoyaasha saddexda beelood ee doonaya in ay helaan labada xubnood ee Golaha Shacabka Dowladda Soomaaliya.
Sida la wada og yahay 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalku waxay ku dhisan tahay hab qaybsi beelaha waxaana weli loo gudbin in deegaan lagu saleeyo kuraasta, sidaas darteed waxay ka soo bilaamataa shirkii Carta ee sanadkii 2000.
Saddexda xarig ee tirsanaya taraha ayaa kala ah Xariga Bah Gareen, Xariga Bah Yaaquub iyo Xariga Bah Dubeys (Xariga Garoowe).
Beesha Bah-Gareen ayaa kursi ka heshey Baarlamaankii u horeeyey ee lagu soo dhisey magaalada Carta sanadkii 2000. Beesha Bah Yaaquub ayaa iyaduna heshey sanadkii 2004, halka beesha Bah-Dubeys ay heleen xubin baarlamaan sanadkii 2009, labada xubnood ee Bah Yaaquub iyo Bah Dubeys waxay isla dhaceen sanadkii 2012.
Markii la waayey xarig tanaasula, waxaan guddoominey oo cuqaasha isla qaadaney in Labada xarig ee Bah-Yaaquub iyo Bah-Dubeys ay hal kursi ku tartamaan, Xariga Bah Gareen ayaa loo gartey in ay mudan yihiin in ay u tartamaan kursiga kale oo keligood leeyihiin.
Maadaama haweenku ay qoondo gaar ah ku leeyihiin baarlamaanka, waxaan isla qaadaney in beesha heshey kursiga keligeed ee Xariga Bah Gareen ay qaataan qoondada Haweenka oo ay keenaan DUMAR.
Wabilaahi Towfiiq
Boqor Burhaan Boqor Muuse
Go’aanka beesha Cismaan Maxamuud ayaa u muuqda mid hoos u dhigaya inuu dhaco muran dhexmara beelaha qaar kuwaas mararka qaar ku eedeeya isimadda in aysan u cadaalad falin dhinacyada tartamaya.
Soomaaliya ayaa wali ka gudbin nidaamka qabiilka ku saleysan ee 4.5 kaasoo inta badan lagu soo xulo mudaneyaasha kamid noqonaya labada aqal ee baarlamaanka federaalka oo kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare (Senate).
GAROWE ONLINE