Burcad-badeedka Soomaalida oo qabsadey labo markab

Image


March 27, 2015 (GO)- Burcadbadeedka Soomaalida ayaa xeebaha deegaanka Ceel-Huur ee gobolka Mudug ka qabsadey labo markab oo dalka Iran laga leeyahay.

Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan la-dagaalanka dembiyada culus iyo daroogada ayaa shaacisey in labada markab si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Shaqaale tiradoodu gaareyso 48 ayaa saaran maraakiibtan, waana markii ugu horreysey ee markab lagu qabsado xeebaha Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 2012.

Doono iyo maraakiib badankooda laga leeyahay dalka Iran iyo Yemen ayaa si sharci darro ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.

Weerarrada burcadbadeedka Soomaalida ayaa labadii sano ee u dambeeyey si weyn aad hoos ugu dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM