Burcad-badeedka Soomaalida oo qabsadey labo markab

Image


March 27, 2015 (GO)- Burcadbadeedka Soomaalida ayaa xeebaha deegaanka Ceel-Huur ee gobolka Mudug ka qabsadey labo markab oo dalka Iran laga leeyahay.

Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan la-dagaalanka dembiyada culus iyo daroogada ayaa shaacisey in labada markab si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Shaqaale tiradoodu gaareyso 48 ayaa saaran maraakiibtan, waana markii ugu horreysey ee markab lagu qabsado xeebaha Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 2012.

Doono iyo maraakiib badankooda laga leeyahay dalka Iran iyo Yemen ayaa si sharci darro ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.

Weerarrada burcadbadeedka Soomaalida ayaa labadii sano ee u dambeeyey si weyn aad hoos ugu dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM