Buundada la qarxiyey ee Buuloburde oo "degdeg loo dhisayo"

Image
Qarax loo adeegsadey mooto uuna fuliyey naftii-halige ayaa lagu waramay in lala eegtey buundadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka dhigay in ay degdeg dib ugu dhisayaan buundada magaalada ee qaraxa lagu burburiyey shalay oo Arbaco ahayd.

Guddoomiyaha degmadda Buulobarde Axmed Mahad Nuur oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in labo nin oo watay Mootada ay bartilmaameedsadeen Buundada.

Nuur ayaa waxa uu tibaaxay in mid ka mid ah raggaasi uu mootada ka booday qaraxa ka hor, halka midka labaadna uu qarxiyay Mooto Bajaajta laga soo buuxiyay oo uu ku dhintay qaraxaasi.

Isaga oo sii hadlaya, Nuur waxa uu xusay in ninkii booday ay toogteen ciidamada amaanka isla markaana ciidamada ay gacanta ku dhigeen labo mooto oo kale oo ay saarnaayeen walxaha qarxa.

Saraakiisha ayaa sheegay in labada qarax ay ahaayeen kuwo la soo agaasimay oo la doonayay in lagu burburiyo labada Buundo. "Waxay rabeen inay isku mar soo ridaan labada buundo," ayuu yiri sarkaal amni.

"Buundada Buuloburde waa tan ugu muhiimsan ee isku xirta gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya," ayuu yiri Nuur. Nuur ayaa wacad ku maray in dowladda hoose ay dib u dhisi doonto buundada burbursan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarkan iyo qarax kale oo ka dhacay Jalalaqsi halkaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan tobban ruux oo u badan shacab.

Buulabarde iyo Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa kamid ah goobaha laga abaabulayay kacdoonka dadweynaha ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa Talaadadii sheegay in ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada deegaanka ay u diyaar garoobayaan howlgalo cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Hirshabeelle, iyo dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.

Caanood ayaa waxa uu sheegay in hawlgalladu ay ku bilaaban karaan "toddobaad ama toddobaadyo." Al-Shabaab ayaa ugu hanjabtay beelaha wadda abaabulka ka dhanka ah maleyshiyada ay wajihi doonan dil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM