Buuq xoogan oo hareeyey kulanka Golaha Shacabka
MUQDISHO, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta buuq xoogan uu hareeyey kulan ay halkaas ku leeyihiin xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.
Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii ay hoolka gudaha u galeen xildhibaanadii lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay arrintan, waxayna sheegeen in lasoo xareeyey xubno aan waday kaararka aqoonsiga.
"Dad aan sharci aheyn oo kaar aan heysanin in fowdo lagu soo geliyo waa qaskii laga waday 5 sano ee u dambeysay baarlamaanka,” ayey tiri mid ka mid ah gabdhaha xildhibaanada ah ee lagu soo doortay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Sidoo kale waxay intaasi kusii dartay in uu qal-qal ku jiro amnigooda, waxayna baaq u dirtay guddoonka cusub ee Golaha Shacabka iyo laamaha ammaanka.
"Baarlamaanka, xogheyntiisa iyo laamaha waxaan ka codsaneynaa dad aan sharci aheyn oo kaarar aan waday ayaa lasoo geliyey ammaankeena Save ma’aha," ayey sii raacisay.
Arrintan ayaa waxaa ku kala qaybsamay xubnaha baarlamaanka, taas oo keentay inay dood xoogan hareyso kulanka maanta ee Golaha Shacabka oo ah kii ugu horreeyey ee uu Goluhu yeelanayo, kadib doorashadii guddoonka oo dhacday 27/28-kii bishaan April.
Khamiistii, ayaa xildhibaannadu waxay Sheekh Aadan Maxamed Nuur u doorteen guddoomiyaha golaha shacabka, ruug-caddaa mucaaradka ah ayaa loo arkaa mid macquul ah oo qunyar socod ah isla markaana liddi ku ah madaxweyne Farmaajo.
Farmaajo iyo Rooble ayaa boggooda Twitter-ka ugu hambalyeeyay Nuur oo ku guulaystay in uu noqdo guddoomiyaha rasmiga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Doorashada afhayeenada baarlamaanka iyo aqalka sare ayaa ah tilaabo muhim ah oo lagu soo dhisayo xukuumada cusub, taasi oo ay tahay in la qabto 17-ka May hadii la doonayo in Soomaaliya ay sii wado taageerada miisaaniyada ee ay ka hesho hey’adda lacagta aduunka ee IMF.
GAROWE ONLINE