Caano-dhanka Xamse Cabdi Barre iyo xaaladda Soomaaliya

Image
Dadka ayaa ku doodaya in wasiirka koowaad looga baahanyahay gudaha dalka si uu isugu duba rido hawlgalada socda.

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Waxaa safar dhulka dowlad deegaanka Itoobiya ku maraya Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Bare, balse safarkiisa waxaa hadal haynka dhaliyay gudaha dalka.

Iyada oo xukuumadda uu hoggaamiye Xamse ay dalka kaga dhowaaqday dagaal culus oo ka dhan ah Alshabaab , ayaa Raisulwasaaraha lagu eedeynaya in uu aaday safar aanan duruuri ahayn, kaas oo Ra'iisul Wasaaraha uu soo muuqday isaga oo caano cabbaya, booqayana meelo kala duwan.

Waxa ay dadka ku doodayaan in wasiirka koowaad ee dalka looga baahanyahay gudaha dalka si uu isugu duba rido hawlgalada socda, una dardargaliyo, haddii kale ay dhici karto in dagaalka laga gaabiyo ama fashilmo.

Xamse ayaa wuxuu booqday magaalada JigJiga, halkaasina kuma uusan ekaane waxa uu usii gudbay magaalooyin kale sida Dhagaxbuur iyo Qabri Dahare.

Dhanka kale, safarka Ra'iisul wasaaraha ee dhulka Soomaalida ayaa waxaa dhaliilaya dadka deegaankaasi qaarkood kuwaas oo sheegay in booqashada Xamse ay daciifineyso doodoodda  xornimada ee mudada dheer dadkaasi u dagaalamayeen, waxaa xusid mudan in uu horey deegaanka u booqday Madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM