Caano-dhanka Xamse Cabdi Barre iyo xaaladda Soomaaliya

Image
Dadka ayaa ku doodaya in wasiirka koowaad looga baahanyahay gudaha dalka si uu isugu duba rido hawlgalada socda.

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Waxaa safar dhulka dowlad deegaanka Itoobiya ku maraya Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Bare, balse safarkiisa waxaa hadal haynka dhaliyay gudaha dalka.

Iyada oo xukuumadda uu hoggaamiye Xamse ay dalka kaga dhowaaqday dagaal culus oo ka dhan ah Alshabaab , ayaa Raisulwasaaraha lagu eedeynaya in uu aaday safar aanan duruuri ahayn, kaas oo Ra'iisul Wasaaraha uu soo muuqday isaga oo caano cabbaya, booqayana meelo kala duwan.

Waxa ay dadka ku doodayaan in wasiirka koowaad ee dalka looga baahanyahay gudaha dalka si uu isugu duba rido hawlgalada socda, una dardargaliyo, haddii kale ay dhici karto in dagaalka laga gaabiyo ama fashilmo.

Xamse ayaa wuxuu booqday magaalada JigJiga, halkaasina kuma uusan ekaane waxa uu usii gudbay magaalooyin kale sida Dhagaxbuur iyo Qabri Dahare.

Dhanka kale, safarka Ra'iisul wasaaraha ee dhulka Soomaalida ayaa waxaa dhaliilaya dadka deegaankaasi qaarkood kuwaas oo sheegay in booqashada Xamse ay daciifineyso doodoodda  xornimada ee mudada dheer dadkaasi u dagaalamayeen, waxaa xusid mudan in uu horey deegaanka u booqday Madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM