Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo eedeeyay dowladda Britain

Image
Soomaalida ayuu sheegay in ay yihiin dad adkaysi badan oo ka gudba caqabadaha qaar.

LONDON, UK - Ergeyga madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Guardian ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa dhaleecayn culus dusha kaga tuuray hoggaanka dowladda Britain, oo uu sheegay in ay lumiyeen kaalintii ay ku lahaayeen adduunka, islamarkaasna dayaceen xulufadoodii adduunka oo ay Soomaaliya ugu horeyso.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in inkasta oo weli Britain ay Soomaaliya ka kaalmayso arrimaha amniga, haddane aysan qaadanin doorkii looga bartay ee ku aaddanaa abaaraha.

Waxa uu sheegay in xaaladda abaaraha ay tahay mid aad uga sii daraysa Soomaaliya, islamarkaasna ay jirto halis weyn oo ah in ay dad badan u dhintaan.

Waxa uu intaasi ku daray in weerarkii ayaxa, safmarkii Karoonaha iyo dagaalka Ukraine uu uga sii daray abaarta Soomaaliya, haddii waxaasi aysan dhici lahayna ay Soomaaliya sidan dhaami lahayd.

Soomaalida ayuu sheegay in ay yihiin dad adkaysi badan oo ka gudba caqabadaha qaar, balse loo baahanyahay in dowladaha adduunka ay garab ka siiyaan Soomaaliya sidii ay u heli lahayd maaliyadda loogu talogalay isbadelka cimilada si dalka loo geeyo qalabka beeraha iyo kalluumaysiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM