Cabdisaciid: Ma jirto sabab lagu aamini karo hab-dhaqanka Deni

Image
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhaleeceyn kulul u jeediyey hogaamiyaha Puntland.

GAROWE, Puntland - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa shaaca ka dhigay in aysan jirin sabab madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni loogu aamini karo hadaladda uu fagaareyaasha ka sheego.

Cali oo qoraal ku daabacay ciwaanka uu ku leeyahay mareegga Twitter-ka ayaa sidoo kale wuxuu su'aal geliyey in xukuumadda Deni ee waqtiga kasii dhamaanayo ay hirgelin karto barnaamijka dimuqraadiyadda.

Sidda laga soo xigtey qoraalka Cali oo ku qornaa luuqadda English-ka, hadaladda iyo ficiladda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa "gabi ahaanba ah kuwa qalafsan".

"Gabi ahaanba ma jirto sabab lagu aamino in Deni dhaqankiisa quursiga ah iyo ficiladiisa qalafsan ay isbedeli doonaan 2023. Maamulka hadda jira aad ayey ugu adag tahay in uu saldhig u noqdo jidkan dimoqraadiyadda Puntland," ayuu tibaaxay.

Deni ayaa ku adkeysanaya in uu Puntland ka hirgelinayo mudada u hartey nidaamka dimuqraadiyadda gaar ahaan doorashooyinka goleyaasha degaanka ee is-mari-waaga uu ka taagan yahay.

Daneeyeyaasha siyaasadda Puntland ayaa aaminsan in waqtiga yar ee haray aysan suurtagal ahayn iyo in waddanka uu wajahayo abaar aad u saameysay dadka iyo duunyadda.

Madaxwayne Deni ayay ku eedeeyeen in uu barnaamijkan ugu mayal-adeegayo si uu ugu gaaro dano siyaasadeed oo ah in uu xukunka kusii joogo illaa doorashadda soo aadan ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashadii caasimadda Muqdisho ka qabsoontey 15-kii May ee sanadkan ayaa Deni wuxuu kala soo kulmay guuldaro isaga oo ku fashilmay riyadiisa ahayd in uu madaxwayne ama ra'iisul wasaare ka noqdo hayaanka cusub ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM