Cabdisaciid: Ma jirto sabab lagu aamini karo hab-dhaqanka Deni

Image
Image
Image
Image
Image
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhaleeceyn kulul u jeediyey hogaamiyaha Puntland.

GAROWE, Puntland - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa shaaca ka dhigay in aysan jirin sabab madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni loogu aamini karo hadaladda uu fagaareyaasha ka sheego.

Cali oo qoraal ku daabacay ciwaanka uu ku leeyahay mareegga Twitter-ka ayaa sidoo kale wuxuu su'aal geliyey in xukuumadda Deni ee waqtiga kasii dhamaanayo ay hirgelin karto barnaamijka dimuqraadiyadda.

Sidda laga soo xigtey qoraalka Cali oo ku qornaa luuqadda English-ka, hadaladda iyo ficiladda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa "gabi ahaanba ah kuwa qalafsan".

"Gabi ahaanba ma jirto sabab lagu aamino in Deni dhaqankiisa quursiga ah iyo ficiladiisa qalafsan ay isbedeli doonaan 2023. Maamulka hadda jira aad ayey ugu adag tahay in uu saldhig u noqdo jidkan dimoqraadiyadda Puntland," ayuu tibaaxay.

Deni ayaa ku adkeysanaya in uu Puntland ka hirgelinayo mudada u hartey nidaamka dimuqraadiyadda gaar ahaan doorashooyinka goleyaasha degaanka ee is-mari-waaga uu ka taagan yahay.

Daneeyeyaasha siyaasadda Puntland ayaa aaminsan in waqtiga yar ee haray aysan suurtagal ahayn iyo in waddanka uu wajahayo abaar aad u saameysay dadka iyo duunyadda.

Madaxwayne Deni ayay ku eedeeyeen in uu barnaamijkan ugu mayal-adeegayo si uu ugu gaaro dano siyaasadeed oo ah in uu xukunka kusii joogo illaa doorashadda soo aadan ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashadii caasimadda Muqdisho ka qabsoontey 15-kii May ee sanadkan ayaa Deni wuxuu kala soo kulmay guuldaro isaga oo ku fashilmay riyadiisa ahayd in uu madaxwayne ama ra'iisul wasaare ka noqdo hayaanka cusub ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar oo $8 million labo diyaradooda ugu iibisay dowladda Soomaaliya

Soo dejinta diyaaradaha Akinci waxay calaamad u tahay horumar weyn oo ku saabsan xoojinta iskaashiga militari ee Turkiga iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-03-2025

  • 12:02PM

Turkiga Oo Diyaaradaha Akinci ee Casriga ah usoo diraya Soomaaliya

Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee khatarta ku ah nabadda dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-03-2025

  • 02:04PM