Guudlaawe oo balanqaaday xalinta tabashadda reer Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe), madaxweynaha maamulka HirShabeelle ayaa maanta markii ugu horeysay ka degay magaalada Beledweyne tan iyo markii loo doortay hoggaanka dowlad-goboleedka dabayaaqadii 2020.

Cali Guudlaawe oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweeyay ayaa ballan-qaaday in uu xalin doono tabashada ka taagan gobolka, islamarkaana uu u cadaalad fali doono reer Hirshabelle iyada oo ay garbihiisa taagnaayeen ku xigeenka Yuusuf Dabageed iyo gudoomiyaha gobolka Cali Jeyte Cismaan.

“Alle ayaa mahadaas iska leh, maanta haddii aan magaalada Beledweyne aan ku wada suganahay, waxaa uga mahad-celinayaa halkaan cidkasta oo gacan ka geysata in ay sidan wanaaga ah u dhacdo oo anaga oo nabad ah oo wax dhibaato ah dhicin isku imaano,” ayuu yiri isaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyay duubaabka dhaqanka, ciidanka amniga iyo madaxda Hirshabelle.

Guudlaawe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in tabasho kasta oo jirta iyo cid kasta oo wax tabanaysa uu la fariisan doono oo uu ka garaabi doono, xili ay muddo xiisad siyaasadeed ka taagneyd Beledweyne.

“Aan is hor fariisano waa daawoobeyna, waxaa rabaa in aan hortiina ka cadeeyo in cid kasta oo wax tabanaysa hadey tahay mid deegaan iyo mid qabiil ay tahay waa ka garnaqi doona, aan warano oo dadkaan dowladnimo iyo wada dhalasho ayaa ka dhaxeysa.”

Guudlaawe oo xulufo siyaasadeed la ah madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo ayaa intaasi ku daray in doorashada ka dhaceysa Beledweyne oo kamid ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ay noqon doonto mid daah-furan oo cadaalada ah, islamarkaana laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada.

“Masuuliyadda waa meerto qofba mar ayuu qaban, waxaana muhiim ah in qofka markaasi haya uu dadka isku haayo islamarkaana fursad la siiyo.”
Cali Guudlaawe, ayaa ugu baaqay shacabka Hirshabeelle in waxa dhexdooda ah lagu xaliyo is-faham iyo wada-hadal, ayada oo dhinac loo wada jeesanayo, lagana shaqeeyo horumarka maamulka.

Ammaanka Beledweyne ayaa aad loo adkeeyey, waxaana inta badan la xiray wadooyinka magaalada, si looga hortego rabshado ka dhaca magaaladaas oo qaybo ka mid ah ay ku sugan yihiin ciidamo gadoodsan oo la magac baxay Kacdoonka gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kulamo wada-tashiya ah ka bilaabi doono Beledweyne, kuwaas oo xal loogu raadinayo tabashada reer Hiiraan, ayada oo weli Jeneraal Xuud oo ku sugan Muqdisho halse sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere ay ka soo horjeesteen imaanshihiisa uu suganyahay Baledweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM