Cali Guudlaawe oo iska siibay qodox mudo ku taagneed

Image
Si rasmi ah looma ogo waxyaabaha ay ku heshiiyeen madaxweynaha HirShabelle iyo Beesha Xawaadle

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe ayaa talaada maanta ah iska siibay qodaxdii ku taagnayn kadib markii uu heshiis la gaarey Odayaasha Beesha Xawaadle ka dib kulan ka dhacay magaaladda Baledweyne oo xurun ah gobolka Hiiraan.

Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed iyo Beesha Xawaadle  ayaa sheegay in ay heshiis rasmi ah ka gaareen tabashadii iyo diidmadii ay Beesha Xawaadle ka qabtay maamulka HirShabelle sida lagu sheegay qoraal ay faafisay madaxtooyada Hirshabeelle.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in nabadoonada iyo Waxgaradka beesha Xawaadle iyo maamulka HirShabeelle ay ku heshiiyeen in maanta wixii ka dambeeya laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dowladnimada.

Si rasmi ah looma ogo waxyaabaha ay ku heshiiyeen madaxweynaha HirShabelle iyo Beesha Xawaadle oo muddo diidaneyd inuu yimaado Magaalada Beledweyne.

Khilaafka Beesha Xawaadle iyo maamulka Hirshabelle ayaa yimid kadib markii Beesha Xawaadle laga wareejiyey xilka madaxweynaha Hirshabelle oo ay horey u heysteen isla markaasna loogu badalay ku xigeen taasoo ay Beesha si weyn uga hor timid.

Kalanka odoyaasha iyo Cali Guudlaawe kama dhigna in la xaliyay dhamaan khilaafka maadaama ay jiraan hogaamiyeyaal hubeysan, oo Jen Xuud kamid yahay oo kasoo jeeda isla gobolka isla markaana diidan qorshaha Cali Guudlaawe.

Beledweyne oo ah magaalo siyaasad ahaan cabursan, ayaa waxaa yaalla 25 kursi, waxaana magaaladaasi ku sugan ciidano diyaarado looga qaaday Magaaladda Muqdisho si loogu boobo kuraastaas oo fursad lama filaan ah siisay kooxda madaxweyne Farmaajo.

Kooxda Farmaajo ayaa magaaladaan kasoo saareen General Xuud, waxay geeyeen ciidan ayaga si gooni ah uga amar qaata, waxay la heshiiyeen Yuusuf Dabageed, dhawaana waxay magaalada xoog ku geeyeen Cali Guudlaawe.

12 beelood ayey ka dhexeeyaan 25ka kursi ee taalla magaalada Beledweyne. Doorashada dalka si boob ah ayey ku socotaa, meel walba cidda gacanta ku heysa ayaana boobi karta kuraasta.

Shaxda Farmaajo iyo kooxdiisa ay dageen, sida ay u wajahayaan qorshaha iyo isfahamka maamulka kala dhaxeeya ayaa kuraastaas u jiidinaya hal dhinac, haddii aysan xaalad cusub soo kordhin.  Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu shaaciyo kuraasta Beledweyne maalmaha soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM