Cali Jayte oo abaalmarin dul-dhigay dilka amiirada Al-Shabaab

Image
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale wuxuu ciidamadda faray "khaarijinta" xubnaha qoyska ee dagaalameyaasha hubeysan.

BELEDWAYNE, Hiiraan - Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 25,000 oo doollarka Mareykanka ah oo la siinayo ciddii disha horjoogeyaasha maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Cali Jayte Cusmaan oo shir jaraa'id ka hadlay ayaa sidoo kale wuxuu cod dheer ku faray ciidan iyo dadka degaanka in ay dilaan xaasaska iyo hooyooyinka xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Hadalka guddoomiyaha ayaa wuxuu ku soo aadaya iyadoo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ay ka socdaan dagaallo xooggan oo Al-Shabaab lagula jiro.

Si ka duwan sidii hore, dadka rayidka ah ayaa ku biiray ciidamada si ay ula dagaalamaan kooxda xagjirka ah. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku caawinaysa saanadda ciidanka.

"Qofkii dila dagaal-yahan ka tirsan Al-Shabaab waxaa la siin doonaa 5,000 oo Dollar,” ayuu yiri Jayte oo intaasi ku daray “Ciddii disha Taliyeyaasha sare ee Al-Shabaab waxaa la siin doonaa 10,000 oo Dollar, halka qofkii dila madaxda sare sida Cali Dheere (Afhayeenka Al-shabaab) uu heli doono abaal-marin dhan $25,000."

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaarin doonto wax walba oo lagama maarmaanka u ah sidii loo soo afjari lahaa xoogaga hubeysan ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

"Waxaan rabaa in la dilo xaasaska iyo hooyooyinka maleyshiyaadka Al-Shabaab," ayuu tibaaxay Jeyte. "Sidoo kale, waxaan rabaa inaad disho qaraabadaada oo Al-shabaab ah". Dhawaqan wuxuu abuuray hadalheyn xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM