Cambaareyn caalami ah oo ka dhalatay "xasuuqa" Afar Irdood

Image
Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay layday dad shacab ah ayna gudubtey gaadiid cunto u waday.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cambaareyn caalami ah ayaa ka dhalatay weerarka Al-Shabaab ku dishay 21 qof shacab ah oo ka dhacay degaanka Afarta Irdood ee gobolka Hiiaan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay oo si xooggan u cambaareysay weerarkan ayaa shaaca ka qaadey in lala beegsadey kolanyo ganacsi oo cunto u siday dadka ay saameynta xoogan ku yeelatay abaarta ka jirta dalka.

"Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska dadkooda ku waayay weerarkan wuxushnimada ah waxaana soo kabasho degdeg ah u rajeynayaa inta ku dhaawacantey," ayuu yiri Aadam Cabdalmuula.

Cabdalmuula oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka waa ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa u fadhiya Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo "fal argagixiso oo bahalnimo ah" ku sifeysay weerarkan ayaa u xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya in ay si buuxda u garab taagan tahay.

"Ilaahey ha unaxariisto inta ku dhimatay," ayay tiri wasaaradda oo war-saxaafadeed kooban kasoo saartey dhacdadan iyada oo raacisay "soo kabasho degdeg ah ayaan u rajeynaynaa inta dhaawaca ah".

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in falkan uusan sal ku lahayn "Islaanimadda" wuxuuna cod dheer ugu baaqay dadweynaha in ay gacmaha is-qabsadaan "sidii looga adkaan lahaa argagixisada".

Madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in Al-Shabaab "ay doonayaan in ay dilaan qof walba oo inaga mid ah" wuxuuna soo jeediyey "in xalka uu yahay howlgal mideysan oo dalka dhan ah".

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo dhacdo "xanuun badan" ku sifeeyay weerarkan ayaa "talaabo mudan ku dayasho" ku qeexay abaabulka dadka degaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Hadaba si looga guuleysto, loona ciribtiro Shabaab, loogana xoreeyo deegaannada dalka oo dhan, waxaa lagama maarmaan ah in si wadajir ah loogu midoobo cadawgaan gumaadaya shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxay xoojisay howlgalada ay ku beegsaneyso ciidamadda iyada oo ka jawaabaysa hanjabaadaha madaxda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Kenya.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 07:20AM

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM