Caruur dhaleeceysay dabaaldagii Laftagareen oo "la xiray"

Image
Talaabadan ayaa lagu sifeeyay "wax lala yaabo" iyo "ceeb" ku dhacdey maamulka Koonfur Galbeed.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in uu xabsi u taxaabay "caruur" dhaleeceysay xafladii dabaaldega sanad-guuraddii 3aad ee kasoo wareegatay doorashadda madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen.

Ilmahan yar oo da'dooda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 10 illaa 13-jir ayaa muuqaal ay iska soo duubeen uga falceliyey hees laga qaadey munaasabadda ka dhacdey Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ee xarunta KMG ah ee Baydhabo.

Da'yartan ayaa falcelintooda ku muujiyey in dhaqaalaha faraha badan ee lagu baxshay xafladda ay mudneyd in loo qoondeeyo dhibaatooyinka bini'aadanimo ee ka jira degaanka gaar ahaan Abaaraha iyo xorreynta degmooyinka go'doonsan.

Xaniifa Xaabsade, wasiirka haweenka xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya oo qoraal ku daabacdey barteeda Facebook-ga, ayaa xaqijisay xariga dhalinyaraddan waxaana ay ku tilmaamtay "wax lala yaabo" in la beegsado caruurtan aan qaan-gaarin.

"Ilaahow na astur dulqaad la'aanta maamulka Koonfur Galbeed ma ilmaha yer in la xiro ayaa lamarayaa. Dadkan in la iska dhaafo ayaa ila roon; yaanyur baa is-difaacado hadaad meel ku xirato bini'aadam warkiisa dhaaf.  Alla maxaa yaab is daba yaal. Ii heesa, ii heeesa, wax luguugu heeso kow sameey yaakhay!," ayay ku tiri qoraalkeeda oo ahaa mid aad u kooban.

Ilyaas Cali Xasan, oo kamid ahaa mudaneyaasha Aqalka Sare ku metelay Koonfur Galbeed afartii sano ee lasoo dhaafay, ayaa ceeb ku sifeeyay "xariga ilmahan yar ee ka hadlay xaqiiqadda ka jirta" degaanadda dowlad goboleedkan.

"Koonfur Galbeed ceeb kaloo u hartey ma filaayo in ay jirto marba hadii ilma 13 jir ah oo xaqiiqda ka hadley xitaa la xeraayo Walahi Nasiib Daro Kaweyn Majirto! Ma Beenbaa in iyadoo Koonfur Galbeed Dadka iyo Xoolaha udhimanaayaan Abaaro iyo Amni Daro dushooda Boqolaal Kun Loogu Damaashaadaayey?," ayuu is-waydiiyey sharci-dejiyaha.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan qaddiyadan oo illaa haatan kasoo baxdey laamaha amniga Koonfur Galbeed. Isku-dayo xiriir oo uu warsidaha Garowe Online sameeyay ayaanan guuleysan.

Balse, GO wuxuu xaqiijiyey in boolisa Xudur ay xireen Mahad Aadan Xaaji kaasoo hormuud u ahaa todoba dhalinyaro yar-yar kuwaasoo dhaleeceynta hawada u mariyey xafladda iyo dabaaldega Laftagareen.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah dhulka Soomaalida ee laga soo wariyo tacadiyadda ka dhanka ah dad muujiyey fekerkooda ku saabsan nidaamka taladda haya kaasoo Madaxtooyadda Soomaaliya ay saddex sano kahor kursiga u boobtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM