Channel 4 oo lagu cadaadinayo tirtirada dukumiintiriga Al-Shabaab

Image
Wariyaha TV-ga ayaa si been abuur ah u sheegay in maleyshiyada xukunto saddex dalool hal meel Soomaaliya.

LONDON, UK – Warbahinta Channel 4 News ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa cadaadis lagu saarayaa in ay masaxdo filim dokumentari ah oo la sii daayey toddobaadyo ka hor, kaas oo mid ka mid ah wariyeyaasheeda uu waraysi kula yeeshay ku xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab Mahat Karate oo sidoo kale ah madaxa dakhliga iyo saadka.

Majaladda Daily Mirror ayaa Arbacadii sheegtay in Telefishinka ay soo gaareen in ka badan 100 cabasho oo ka timid shaqsiyaad iyo hay’ado kala duwan oo ku saabsan muuqaalka ciwaankiisu ahaa "Gunta Al-Shabaab" oo uu diyaariyay weriyaha caanka ah ee Jamaal Cismaan, iyadoo dadka dhaliila ay ku adkaysanayaan in uu ammaanayo argagixisada.

Filimka oo la sii daayay 15-kii June ayaa muujinaya muuqaalada maleeshiyada Al-Shabaab iyadoo dadka dhaliila ay ku tilmaameen mid “waxyeelo leh”.

Dadka dhaliila ayaa ku doodaya in dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay Al-Shabaab ay ka naxayaan filimkam, lagana yaabo in ay dhaawacdo sumcadda dalka iyo in ay burburiso dagaalka socda ee ka dhanka ah maleeshiyada.

15-kii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab waxa ay u dagaalamayeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay taageerto balse dadaallo ay sameeyeen ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa dhiggooda ah ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sahashay in ay hoos u dhigaan halista kooxda.

Weriyaha Channel 4 ee Jamaal Cismaan ayaa loo ogolaaday inuu tago magaalada Jilib oo ah xarunta rasmiga ah ee Al-Shabaab ee Jubbada Dhexe halkaasoo uu ku wareystay Mahat Karate. Mareykanka ayaa 5 milyan oo dollar dul dhigay Karate.

Cusmaan ayaa si been abuur ah u sheegay in Al-Shabaab ay heystaan saddex meelood meel Soomaaliya, sidda laga soo xigtey majaladda Daily Mirror oo intaas ku daray in codsiyada ka imaanaya dadweynaha ee ka dhanka ah muuqaalka lagu soo bandhigay caddeymo muujinaya in Cismaan uu u muuqdo mid mahadnaq gaar ah u haya ururka argagixisada ah.

Channel 4 News iyo wariye Jamaal ayaan wali warbixin kasoo saarin cabashooyinka laga gudbiyey filimkan. Codsiyadda waxaa qeyb ka ah laga tirtiro ciwaanadda baraha bulshadda ee telefishinka. Waa dalab culus oo ay waqti qaadan doonto in xaruntan warbaahineed ay si deg-deg ah ku aqbasho lamana saadaalin karo go'aanka ay ka qaadan doonto qadiyadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM