Ciidamada DF oo Gedo ku qabtey sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabab

Image

February 1, 2015 (GO)- Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Gedo ayaa shaaciyey inay qabteen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Jaamac Muuse oo ka tirsan taliyeyaasha ciidamada dowlada ayaa sheegay in sarkaalka la qabtey oo in muddo ah ku dhuumaaleysanayey miyiga gobolka Gedo kamid yahay qaybta Al-shabaab u qaabilsan diyaarinta walxaha qarxa.

Jaamac Muuse  faah faahin kama bixin qaabka lagu qabtey ninkaas mana sheegin magaciisa, wuxuuse xaqiijiyey in maalmaha soo socda loo soo wareejin doono dhanka magaalada Muqdisho warbaahintana loo soo bandhigi doono.

Bishii December ee sanadkii hore 2014 ayey ahayd markii uu ciidamada Dowlada Federaalka ee gobolka Gedo  isu soo dhiibey Zakariye Ismaaciil oo ka tirsanaa hoggaanka sare ee Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab oo laga saarey badi magaalooyinkii ay koonfurta dalka kaga sugneyd, waxay weli ka arimisaa deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo labo todobaad kahor warbaahinta la hadlay, wuxuu sheegay inay dhowaan bilaabayaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga sifeynayo gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM