Dhoobley: xubno ku biiri lahaa Al-shabab oo la qbatey

Image

March 11, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ku qabtey dhowr nin oo Soomaali iyo ajnebi  isugu jira, kuwaasoo la sheegay inay kasoo tallaabeen xadka Kenya islamarkaana doonayey inay ku biiraan ururka Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada ee degmada Dhoobley Heybe Axmed Cabdullaahi ayaa warkan xaqiijiyey isagoo xusey in tirada guud ee dadka la qabtey tahay lix qof oo isugu jira: labo Soomaali ah, labo Kenyan iyo labe kale oo u dhashey dalka Tanzania.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in raggani wateen qoraallo cadeynaya inay ku wajahnaayeen deegaano ka tirsan kuwa ay Al-shabaab ka taliso.

Waa markii ugu horreysey ee ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya hal mar qabtaan tiro intaas le'eg oo ajaanib ah kuwaasoo doonaya inay ku biiraan Al-shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa hadda kahor dhowr mar gacanta ku dhigey dad la sheegay inay u safri lahaayeen Soomaaliya si ay uga barbar dagaalamaan Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM