Ciidamada Haramcad oo saxaafada "u aqoonsan cadow"
MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa wariyeyaasha "u aqoonsan cadowga ugu xoogan," sida uu sheegay saxafi Arbacada maanta ah jirdil ay u geysteen cutubyo kamid ah ciidankan.
Aweys Jilicow, agaasimaha xafiiska Muqdisho ee telefishinka Five Somali Tv, ayaa kamid ah koox saxafiyiin ah oo askar ka tirsan Haramcad ay ku tacadiyeen ayaga oo doonayay in ay kasoo warameen ismiidaaminta degmada Kaxda.
Jilicow oo la hadlay TV-ga Shabelle ayaa daaha ka rogay in gabood-falka loo geystay uu ahaa "mid bareer ah" maadaama ciidamadda ay qalabkii ay ku duubeen muuqaalada u soo celiyeen ayaga oo aan ka saarin xogta ay qabsadeen.
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay falkan lagula kacay wariyeyaasha sheegtayna in la xiray askartii ka dambeysay ayuu ka dalbadey in ay cadaaladda horkeento. Garowe Online si madax-banaan uma xaqiijin karo hadalka xukuumadda.
"Arrinta cuqdada ina gelisay waxay ahayd markii ku dhowaad afar saacadood ay ina haysteen oo laba saac oo kamid ah uu xabadka dhulka noo yaalay, waxaa naloo soo celiyey qayb kamid ah agabkeena oo ay naga qaateen iyada oo ay sidoodii ugu jiraan muuqaaladii aan duubanay," ayuu yiri.
Wuxuu ku daray: "Waxaa halkaas nooga cadaatay in si maalaa yacni ah naloo haystay oo naloo jir-dilay. Cadowga ugu badan ay [ciidamadda Haram-cad] u arkaan wariyeyaasha".
"Sidaa darteed, aniga oo ku hadlayo dadka dhibka loo geystay, dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa in cadaaladda la horkeeno qof kasta oo kamid ah dadka dhibka noo geystay maanta waliba waqti qorax ah," ayuu kusoo xiray.
Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku bilowdey qarax is-miidaamin ayna xigtey is-rasaaseyn toos ah waxay ka geystay saldhiga degmada Kaxda ee Muqdisho. Weerarkaas wuxuu qayb ka yahay tiro kale oo isla xalay caasimada ka dhacay.
Ciidamadda Haramcad oo uu aas-aasay maamulka Farmaajo ayna tababartey dowladda Turkiga ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku lug-yeeshay ficilo ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed oo ay ku jirto beegsiga warbaahinta madaxa-banaan.
GAROWE ONLINE