Ciidamada Jubaland oo "soo afjaray" weerarka hotel-ka Kismaayo

Image
Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ilaa haatan la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkan.

KISMAAYO, Jubaland - Ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa soo afjaray weerar ay maleeshiyaadla Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo, sidda uu baahiyey TV-ga maamulka.

"Ciidanka ayaa dilay dhammaan dhagar qabeyaashii weerarka soo qaaday ee ka tirsan khawaarijta arxanka daran ee u ooman dhiiga shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu qoray bogga Facebook-ga ee telefishinka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Ciidamada naftood hureyaasha ah ee Jubbaland ayaa hotelka kasoo badbaadiyey dad shacab ah oo ku sugnaa xilligii weerarku dhacay".

Hoteelka wuxuu ku yaalaa wadada gasha dekeda, waxaana la sheegay in albaabkiisa lagu dhuftay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, halkaas oo waardiyeyaashii joogay ay ku baxeen.

Waxay wararka sheegayaan in meesha ay shir ku lahaayeen koox ganacsato ah, sidoo kalena xaflad qalin jabin ah ay uga socotay arday. Si lamid ah shir lagu abaabulayay guluf ciidan ayaa ka socdey.

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ilaa haatan la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkan oo ay sheegatay kooxda gacansaarka la leh shabakdda argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Dadka dhintay waxa la sheegay in ay ku jiraan arday iskuul oo meesha marayey markii uu weerarku bilowday. Waa weerarkii labaad ee noocan ah ee lagu qaado huteel oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM