Ciidamada oo degaano muhiim ah dib ugala wareegay Al-Shabaab

Image
Mas'uuliyiin ayaa sheegay in xorreyntan degaanadan ay dhabar jab weyn ku tahay maleeshiyada Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa dib ula wareegay tuulooyinka Ruunirgood iyo Hilowle Gaab oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib howlgal ay Sabtidii sameeyeen ciidamada.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka ciidamada isku dhafka ah ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa duleedka tuulooyinka ayaa ku guuleystay inay ka saaraan maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxaa socda howlgalo xoogan oo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka qaar, sida uu sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedka HirShabeelle ayaa sheegay in xorreyntan degaanadan ay dhabar jab weyn ku tahay maleeshiyada Al-Shabaab.

Horaantii Bishan ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ku dhawaaqay in la bilaabay Wajiga Labaad ee Howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle. Howlgalka xiga ayaa lagu wadaa in laga fuliyo deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM