Ciidamada oo la wareegay degaan "il dhaqaale" u ahaa Al-Shabaab

Image
Qabsashadan ayaa kusoo aadaya xilli in ka badan 100 qof ay ku dhinteen qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa degaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka saarey dagaalameyaasha Shabaab, sidda ay warisay wakaalada wararka qaranka ee SONNA.

Sida ku cad warbixinta, tuuladan ayaa xarun ay dhaqaalaha ku aruuriso u ahayd xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida waxaana ay ku lahayd maxkamad ay dadka uga qaado lacag baad ah.

Wasaaradda Warfaafinta oo qoraal kooban soo saartey ayaa intaas ku dartey in howlgalada maalmaha socdey ee "lagu xoreeyay" degaankan ay Al-Shabaab ku wayday in ka badan 100 dagaalame ah.

"Sida muuqata boon kasta oo ay isku fara saaraan Khawaarijta iyo Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka waxaa uharaya Ciidanka Qaranka iyo shacabka, taas oo ah fariin cad oo muujinaysa guuldarooyinka waaweyn ee ay tunka u ridaneyso Khawaarijtu," ayay raacisay wasaaradda.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Tani waa ififaalo muujinaya in waqti aan dheerayn uu dalku ka xoroobayo Khawaarijta ku tagtifalaysay Shacabka Soomaaliyeed inka badan 15 Sano ee lasoo dhaafay"

Wasiirka warfaafinta Daa'uud Aweys Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda aysan "ka daali doonin dagaalka ay kula jirto Khawaariijta Al-Shabaab".

"Dowladda marnaba kama daaleyso dagaalka khawaariijta Shabaab iyo in ay dalka ka suuliso cadowgan doonaya in uu marin-habaabiyo nolosha shacaba Soomaaliyeed," ayuu xusay.

Sheegashadda la wareegitaankan ee dowladda federaalka ayaa kusoo beegmaysa saacado kadib markii in ka badan 100 qof ay ku naf-waayeen laba qarax gaari oo ka dhacay afaafka Wasaarada Tacliinta ee isgoyska Soobe ee magaal madaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM