Ciidamada Soomaaliya oo "galay" degmadda Xarardheere

Image
Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka baxay degmadan maalmo kadib markii uu fuulay culeys milatari.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah galay degmadda Xarardheere ee koonfur gobolka Mudug. Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa maalmo kahor ka baxay magaaladan.

Sidda laga soo xigtey warbaahinta ku hadasha afka dowladda, askarta iyo shacabka hubeysan ayaa la sheegay in ay wadaan hubin ku saabsan amniga gaar ahaan haddii qaraxyo loogu aasey gudaha.

Dhinaca kale, ciidamadda iyo kacdoonka shacabka ayaa isla maanta degaanada Bariga Galgaduud oo ay ugu horreyso Degmada Galcad, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda Galmudug.

"Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka, iyo ciidanka kacdoonka shacabka ay ku xoreeyeen deegaanada Bariga Galgaduud oo ay ugu horreyso Degmada Galcad," ayay tiri Madaxtooyadda.

Bayaanka ayaa raaciyey: "Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maanta u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganada Cali Heele, Tixle, Cigo, Baraag Sheekh Caamir iyo Degmada Galcad ee bariga Gobolka Galgaduud, ayadoo sidoo kale horey loo xoreeyay deegaanada Laba Xurow, Sheekhoow Gaab, Maraay Suuleey iyo Masaggawaa halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab".

"Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah khawaarijta, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu ku dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo Guud ahaanba Soomaaliya," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Howlgalada ka soconaya qaybo kamid ah Soomaaliya ayaa ku bilowday amar uu bixiyey madaxwayne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xilka la wareegay isaga oo balanqaadey jabinta Al-Shabaab sanadkan 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM