Ciidamada Soomaaliya oo loo diray baaq la xiriira doorashada

Image
Soojeedintan waxaa warbaahinta mariyey hogaanka talisyada kala duwan ee ciidamadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, ayaa wuxuu ugu baaqay Ciidamada Booliska in aanay ku milmin siyaasadda oo aysan fara gashan.

"Waxaa laga rabaa saraakiisha i hor fadhisa ciidanka ay mas’uulka ka yihiin ee ay xukumaan ee dowlad goboleedyada iyo magaalada Muqdisho inay qeyb libaax ka qaataan in amniga la ilaaliyo doorashooyinka, inaan ciidanka booliska Soomaaliyeed uusan Siyaasadda ku milmin oo uusan shaqo ku laheyn siyaasad ee loo igmaday kaliya inay ka shaqeeyaan amniga qaranka," ayuu yiri.

Taliyaha milatariga, General Odawaa Yuusuf Raagge, ayaa horey ugu booriyey ciidamada xoogga dalka inay ka fogaadaan khilaafka arrimaha siyaasada ee u dhexeeya madaxda dalka.

Maanta, hay'adda sirdoonka qaranka ayaa ku tartarsiisay ciidamadda hoos-yimaada in aysan wax door ah ku yeelan talaabo kasta oo la xiriirta siyaasad ayna muujiyaan madax-banaani.

"Taliska HSNQ wuxuu ku howlanyahay sugidda amniga. Wuxuuna kadigayaa kumilanka siyaasada ee Ciidamada Qalabka sida & in la siyaasadeeyo waajibaadka Ciidamada. Shacabka Soomaaliyeed waa ku mahadsanyahay marwalba garab istaaga Hay’adaha Amniga Qaranka," ayay NISA ku qortay ciwaankeeda Twitter-ka.

Madaxwaynihii 7aad ahna musharax madaxwayne mar kale, Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ku daabacay Facebook-giisa ayaa si ballaaran wuxuu u bogaadiyey hadalka kasoo yeeray Xijaar.

"Waa tallaabo kale oo mudan hambalyo iyo bogaadin hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar ) ee ku saabsan in ciidanka Booliiska ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasiga ah, ayna xoogga saaraan waajibkooda shaqo ee ay u dhaarteen oo ah ilaalinta nabadda iyo kala dambaynta," ayuu yiri.

Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa wuxuu ka dhawaajiyey: "Tani waxa ay muujinaysaa biseyl, waxa ayna xoojinaysaa dhismaha nabadda iyo wadajirka ciidanka".

Talaabadan ay ku dhaqaaqeen taliyaasha ciidamada Booliska, Milatariga iyo sirdoonka qaranka ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaga oo u arkaya isbedel ballaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM