Ciidamada Soomaaliya oo “taageero laxaad leh” ka helay beesha caalamka

Image
SAWIRKA: Daily Sabah

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Qalabka Qida ee Soomaaliya ayaa taageero laxaad leh helay, kadib markii ay diyaarado nooca helicopter-ka ah ee Bell 412 ay soo gaareen magaalada Muqdisho, taasoo ka caawinaysa dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab. Waxaana la filaya in dhawaan la keeno Saddex diyaaradood oo kale.

Bell 412 ayaa ah helikobter la isku halayn karo, kaas oo ku habboon hawlgallada laga fuleynayo dadalka la midka ah Soomaaliya. Waxaana loo isticmaali karaa dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo hawlgallada goobidda iyo samata bixinta.

Imaatinka diyaaradahan helicopter-ka ah ayaa ah mid lagu taageerayo dadaalada dowladda Soomaaliya ay kula dagaalamayso argagixisada, waxayna taasi u sahlaysaa ciidamada Soomaaliya inay si deg deg ah ciidamo iyo sahay ugu diraan deegaanada fog.

Intaa waxaa dheer, helikobtarrada ayaa siin doona Ciidamada awoodda daad-gureynta caafimaad ee aadka loogu baahan yahay, si loo fududeyo daaweynta askarta.

Marka laga soo tago diyaaradaha, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale heshay hub badan oo cusub oo ay ka mid yihiin hoobiyeyaal, qoryaha Zu-23 ee lidka diyaaradaha iyo hub kale oo culus.

Deeqahaan ka imaanaya dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ayaa kor u qaadaya awooda ciidan ee dalka, waxayna muujineysaa sida ay beesha caalamka uga go’an tahay in Soomaaliya laga taageero dagaalka ay kula jirto argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u wanaajisay tayaynta ciidamada iyo sirdoonkeeda, taasoo keentay in bilihii lasoo dhaafay la gaaro guulo la taaban karo oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaana xusid mudan in Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay la baxayaan ciidamadooda si ay u fuliyaan go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ah in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo Soomaalida.

Taageeradan oo imaaneysa xilli xasaasi ah ayaa muujineysa sida ay Beesha Caalamka uga go’an tahay in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay u heli lahayd xasillooni iyo amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM