Ciidamadda ATMIS oo lagu eedeeyay dilka labo ruux shacab ah

Image
Dilkan ayaa argagax ku abuuray deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku dileen degaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka iyo goobjoogeyaal hadlay.

Maadey Jeylaani Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee degmada Kuntuwaarey ayaa xaqiijiyay in ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ay gudaha u galeen beer ku taalla deegaanka Buulo Mareer, ayna la kulmeen saddex ruux, labo ka mid ahna ay dileen. Shaqsiga saddexaad ayaa baxsaday inkastoo uu dhaawacmay.

“Kadib markii ay toogteen labadaasi shaqsi, ciidamada ATMIS-ta ayaa gowracay, roondo ayay ku jireen, raggan ayay ka shakiyeen, wayna toogteen, ka dibna way gowraceen, saddex qof ayay ahaayeen, laba ayay dileen, midka saddexaad oo dhaawac ahna wuu baxsadey,” ayuu yiri Maadeey Jeylaani Cali.

Dilkan ayaa argagax ku abuuray deegaanka Buulo Mareer, iyadoo dadka deegaanka ay marar badan la kulmeen falal noocaan oo kale ah oo ay ku lug lahaayeen ciidamada ATMIS-ka.

Tobaneeyo ka mid ah dadka deegaanka oo u badan dhalinyaro ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo dalbanaya in cadaalad iyo isla xisaabtan lala sameeyo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ATMIS iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadan. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay kama uusan hadlin falkan.

Dadka ku dhaqan deegaanka Buulo Mareer iyo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed in ay kala xisaabtamaan ATMIS-ka howlgallada ay ka wadaan deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM