Ciidamo Ajnabi oo Qarax lagula eegtay duleedka Balcad

Image

BALCAD, Soomaaliya - Kolanyo ay la socdeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaara ahaan kuwa dalka Burundi oo mareysay inta udhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, ee gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa lala eegtay Qarax Miino.

Sida ay u sheegeen dadka deegaanka Warsidaha Garowe Online, weerarkaan ayaa wuxuu waxyeelo daran uu u geystay mid kamid ah babauurta Kolonyada ah ee ay wateen ciidamada AMISOM, kaasi oo isla goobta kuu gubtey.

"Ciidamo AMISOM ah oo mareysa deegaanka Il-baq oo qiyaastii 45-KM dhanka waqooyi u jira Muqdisho ayaa waxaa la kacday Miino, taasi oo burburisay mid kamid ah baabuurtooda," qof ku nool deegaanka ayaa sidaasi u xaqiijiyay GO.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse, qaraxyadda noocaan ah, ee ka dhaca Aagaan waxaa inta badan sheegta Xoogaga Al-Shabaab, kuwaasoo dagaal kula jira dowladda caalamku taageero ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labo isbuuc ka hor ayey ahayd markii weerar jidgal ah oo ka dhacay isla wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad, lagu dilay Labo Xilldhibaan oo katirsanaa Baarlamaanka HirShabeelle, mas'uul degmo iyo askar ilaalo u ahayd, kaasi oo Al-Shabaab sheegatay.

Falalka noocaan ah ayaa waxay yihiin kuwa kusoo laab-laabtay wadadan muhiimka ah, ee isku xirta Muqdisho, Balcad iyo Jowhar, halkaasi oo ay joogto ka noqdeen weerarada xilli dhawaan ka dejiyay ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka.

Mas'uuliyiinta gobolka iyo Xilldhibaanada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka ayaa walaac badan ka muujiyay xaalada amaan ee wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad, waxayna ku baaqeen in wax laga qabto.

Dhawaan Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa la kulmay saraakiil ka socotay AMISOM, kuwaasoo uu ka codsaday inay maamulkiisa ka caawiyaan sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM