Ciidamo Ajnabi oo Qarax lagula eegtay duleedka Balcad

Image

BALCAD, Soomaaliya - Kolanyo ay la socdeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaara ahaan kuwa dalka Burundi oo mareysay inta udhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, ee gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa lala eegtay Qarax Miino.

Sida ay u sheegeen dadka deegaanka Warsidaha Garowe Online, weerarkaan ayaa wuxuu waxyeelo daran uu u geystay mid kamid ah babauurta Kolonyada ah ee ay wateen ciidamada AMISOM, kaasi oo isla goobta kuu gubtey.

"Ciidamo AMISOM ah oo mareysa deegaanka Il-baq oo qiyaastii 45-KM dhanka waqooyi u jira Muqdisho ayaa waxaa la kacday Miino, taasi oo burburisay mid kamid ah baabuurtooda," qof ku nool deegaanka ayaa sidaasi u xaqiijiyay GO.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse, qaraxyadda noocaan ah, ee ka dhaca Aagaan waxaa inta badan sheegta Xoogaga Al-Shabaab, kuwaasoo dagaal kula jira dowladda caalamku taageero ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labo isbuuc ka hor ayey ahayd markii weerar jidgal ah oo ka dhacay isla wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad, lagu dilay Labo Xilldhibaan oo katirsanaa Baarlamaanka HirShabeelle, mas'uul degmo iyo askar ilaalo u ahayd, kaasi oo Al-Shabaab sheegatay.

Falalka noocaan ah ayaa waxay yihiin kuwa kusoo laab-laabtay wadadan muhiimka ah, ee isku xirta Muqdisho, Balcad iyo Jowhar, halkaasi oo ay joogto ka noqdeen weerarada xilli dhawaan ka dejiyay ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka.

Mas'uuliyiinta gobolka iyo Xilldhibaanada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka ayaa walaac badan ka muujiyay xaalada amaan ee wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad, waxayna ku baaqeen in wax laga qabto.

Dhawaan Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa la kulmay saraakiil ka socotay AMISOM, kuwaasoo uu ka codsaday inay maamulkiisa ka caawiyaan sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM