Ciidamo cusub kana soo jeeda Uganda oo soo gaaray Muqdisho

Image
Cutubyadan ayaa ku biiri doona saaxiibadooda ka socda wadamada kale ee ku sugan Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Boolis ah oo socda dalka Uganda ayaa soo gaaray magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, bil ka hor xilliga oo qorsheeyay in la badalo howlgalka midowga ee Afrika ee Soomaaliya oo socda in ka badan 15 sano.

Ciidamadan ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho Talaadadii si ay u bilaabaan kormeerkooda shaqo ee halka sano ah, waxa ayna badaleen cutub kale oo dalkooda dib loogu celiyay ka dib sanad ay ku sugnaayeen Soomaaliya.

Mudada sanadka ah ee ay ku suganyihiin Soomaaliya, waxay gacan ka geysan doonaan horumarinta shaqada Booliska AMISOM, sare u qaadista sharciga iyo dadaallada xasilinta Soomaaliya.

Uganda waa mid ka mid ah dalalka booliiska ugu deeqay AMISOM. Kuwa kale waxaa ka mid ah Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Ghana iyo Zambia.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska (ASP) Daniel Okello, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan dadaallada socda ee lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

"Waxaan la shaqeyn doonnaa asxaabta kale ee booliska wax ku biirineysa in ay gacan ka geystaan dhismaha ciidamada Soomaaliya inta lagu jiro xilliga kala guurka, si ay gacan uga geystaan soo celinta nabadda,” ayuu yiri ASP Okello markii uu soo gaaray Muqdisho.

Waxa uu intaa ku daray, "Waa in aan ku shaqeynaa karti badan oo aan ugu adeegno anshax." Ciidamadan ayaa ku biiri doona saaxiibadooda ka socda wadamada kale ee ku sugan Soomaaliya si ay u sugaan amniga doorashooyinka socda.

Intaa waxaa dheer, waxay sidoo kale fulin doonaan waajibaadyo ay ka mid yihiin ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dawladda, samaynta roondooyinka, hubinta nidaamka dadweynaha, ilaalinta VIP-yada iyo munaasabadaha heerka sare ah.

Kooxda cusub ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa qaabilay saraakiil sare oo ka tirsan booliska AMISOM. Waxay marka hore dhammaystiri doonaan karantiil laba toddobaad ah oo khasab ah si waafaqsan tallaabooyinka ka hortagga COVID-19.

Qeybta Booliska AMISOM waxay ka kooban tahay FPU-yada iyo Saraakiisha Booliska Gaarka ah (IPOs). FPU-yadu waxay bixiyaan taageero hawleed, halka IPOs ay tababaraan, saraakiisha iyo taliye-yaasha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM