Ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM oo la qarxiyey

Image
Cutubyadan ayaa la sheegay in ay si gaar ah uga soo jeedaan waddanka Kenya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa  qarax miino lagula eegtay deegaanka Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose sida ay Garowe Online u sheegeen saraakiil iyo dadka deegaanka.

Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Gaadiid ay saarnaayeen Ciidamada Kenya oo Biyo dhaamin ugu socday deegaanka Kambooni lala beegsaday, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in qaraxyada ay ku dhaawacmeen ilaa 5 Askari.

“Qarax la galiyay wadada dhinaceeda ayaa haleelay gaadiidka ay wateen ciidanka Kenya,Qaraxa ka dib rasaas xooggan ayay fureen manajirto shacab waxyeello ka soo gaartay” ayuu yiri qof deegaanka ah Garowe Online  u waramay.

Ciidanka qaraxa lala eegtay oo ku dhawaad hal saac goobta ku sugnaa ayaa helay gurmad ka soo baxay xero ciidanku ku leeyahay isla deegaankaas waxa ayna sii wateen socdaalkooda sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaas ayaa sheegtay inay gubeen mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Kenya, hayeeshee waxaan weli qaraxyada ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada Kenya ee katirsan AMISOM ee ka howlgalla Gobolada Jubbooyinka ayaa mararka qaar lala eegtaa qaraxyada halka dhankooda ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah kula wareegay.

Jimcihii ayay markii qarax ka dhacay duleedka Kismaayo, ay ku dhinteen 10 ruux oo rayid ah iyo dhaawac intaasi ka badan sida ay sheegeen saraakiisha amaanka maamulka Jubbland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM

Mucaaradka Soomaaliya Oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

War-saxaafadeedka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka uu ka taagan yahay muran la xiriira sharciyadda hay'adaha dowladda.

  • Soomaliya

    02-08-2026

  • 08:08PM