Ciidanka amaanka iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Afgooye

Image
Al Shabaab ayaa ah qatarta ugu badan ee amaanka dalkaan ku yaalla geeska qaaradda Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhimatay mid kalana waa uu ku dhaawacmay weerar maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisimo ay ciidamadda dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garowe Online in ay ku soo baraarugeen dhawaqa rasaas culus ee ay isku adeegsanayaan laba dhinac taas oo socotay ku dhawaad hal saac.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay warsidaha Garowe Online, ayaa tilmaamay in weerarku si gaar ah uga dhacay Buundada yar ee degmada Afgooye, halkaaso uu dagaal socday mudo kooban ku dhexmaray kooxdii Shabaab iyo ciidanka dowladda.

“Waxa uu dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo runtii dadka ku abuuray argagax” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay GO.

Dad goob joogayaal ah waxa ay warbaahinta gudaha u sheegeen in ay ka war heleen dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale oo rayid, mana jirin wax war ah oo weerarkan ay ka soo kala saareen labada dhinac ee dirirta u dhexeysay.

Xaalada goobihii lagu dagaalanay ayaa saaka ah mid degan isla markaana isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka ay yihiin kuwo si caadi ah u Shaqeeynaya, waxaana socda howlgalo baaritaaba ah ay wadaan ciidanka amniga ee degmada Afgooye.

Sabtidii ugu yaraan labo askari ayaa ku dhimatay mid kalana waa uu ku dhaawacmay weerar dhabagal ah oo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku socdaalayey duleedka degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaa sidoo kale askar ku dishay deegaanka Ambareesa ee duleedka Baraawe ka dib markii ay weerartay xero ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Al Shabaab ayaa ah qatarta ugu badan ee amaanka dalkaan ku yaalla geeska qaaradda Afrika.

General Stephen Townsend, oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, ayaa sheegay in Al-Shabaab oo gacanta ku haysa dhul badan oo miyi ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay ka mid yihiin kooxaha argagixisada ah ee sida aadka u kobcaya, ugu dhaqaalaha badan, uguna weerarada badan. Kooxda ayaa jirtay ilaa sanadkii 2007-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM