Ciidanka Itoobiya oo dayactir ku bilaabay garoon ku yaalla Soomaaliya

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli ay xiisad ka dhexeyso xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa.

KISMAAYO, Jubaland - Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa wada dib u dayactir lagu sameynayo garoonka diyaaradaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) Guutada 46aad ee Mootooyinka ayaa hormuud ka ah tayeynta madaarka taas oo qayb ka ah Mashruuca Saamaynta Degdegga ah (QIP), kaas oo ay ka mid yihiin in la kordhiyo dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan 400 mitir si kor loogu qaado badbaadada iyo soo dejinta diyaaradaha waaweyn.

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baardheere Jaamac Cali Xiire ayaa u mahad celiyay Ciidamada ATMIS ee ka qeyb qaadanaya dib u dayactirka Garoonka. Korneyl Mola Shumet, oo ah taliyaha guutada Itoobiya ee mashruucan hogaaminaya, ayaa sheegay in qaybta ay ka go’an tahay ilaalinta bulshada deegaanka ee gobolka oo dhan.

Mashruucan kaabayaasha dhaqaalaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo Itoobiya ay sii kordheyso duullaanka iyo gacan ku haynta garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo oo ah gobol xasaasi ah oo ka tirsan Jubbaland.

Horaantii bishan ayaa la sheegay in ciidamada Itoobiya ay qabsadeen garoomo muhiim ah oo ku yaala Luuq, Doolow iyo Baardheere. Dib u habeynta lagu sameeyay garoonka diyaaradaha ayaa qeylo dhaan ka dhalisay dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxaha maleeshiyooyinka deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM