Ciidanka laga keenay Eritrea oo "u xayiran" heshiiska Imaaraadka

Image
Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in heshiiska uu durbaba uu hortabin u leeyahay labada aqal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda federaalka  ayaa maalmo ka hor meelmarisay heshiis difaac oo dhexmaray Soomaaliya iyo Imaaraadka, kaas oo la filayo in la hor-geeyo baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan.

Buuq ayuu dhaliyey heshiiskan wallow xukuumadda difaacday ayna meesha ka saartey eedeymaha ah in uu wax u dhimayo madax-banaanida dalka, sidda uu beeniyey wasiirka warfaafinta Daauud Aways Jaamac.

Mr Jaamac oo ka jawaabayay su'aal uu waydiiyey wariyaha Garowe Online ee Muqdisho, Cabdiraxmaan Cadaani, ayaa ku adkeystay in heshiiskaas uu hortagi doono baarlamaanka si ay u meelmariyaan.

"Heshiiska Imaaraadka wuxuu lamid yahay heshiisyada kale ee lala galay wadamadda taageera Soomaaliya mana jiro hal qodob oo ku jira heshiiska oo wax u dhimaya madax-banaanida Soomaaliya," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan filayaa wararka suuqa yaalla ee ku saabsan heshiiskaas ay yihiin kuwa turi-ku-teyn ah sida dhabta ahna ay tahay heshiis dan u ah Soomaaliya ayna saas isla garteen golaha wasiirada".

Heshiiskani ayaa la sheegay "in ay ku jirto maaliyaddii lagu hawlgalin lahaa ciidamada kusoo tabobartay Eritrea iyo kuwa kale oo hadda loo direy dalal ay Masar ka mid tahay".

Xukuumadda Abu Dhabi oo gacan-saar-dhow la leh maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska ku ballan-qaaday in uu bixinayo mushaaraadka, agabka iyo saanadda ciidamadan.

Ciidamadan ayaa tan iyo intii ay tababarka kasoo noqdeen aanan weli la hawlgalin, mushaarkoodana aanan weli meel la saarin, iyada oo xukuumadda ay aad u dadajinayso in la meelmariyo heshiiskan.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in heshiiska uu durbaba uu hortabin u leeyahay labada aqal ee baarlamaanka kadib markii ay sidaasi codsadeen madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha federaalka.

Dhanka kale, wasiir Jaamac ayaa gaashaanka ku dhuftey warbixinada ku saabsan in ciidamadda laga soo celiyey Eritrea qaarkood ay ka baxeen xeryaha ku yaala magaala madaxda Muqdisho.

Tan iyo dhamaadka bishii hore ayay taagnaayeen warbixinada la xiriira in ciidamadan ay ka gadoodeen mushahar la'aan iyo in aysan helin qoondadii horey loogu balanqaadey taasoo keentay in madaxwaynuhu u tago.

Ciidamadan ayaa waxay ku kala jiraan ku dhowaad saddex xeryo oo ku yaala caasimadda waxaana loo diyaarinayaan in ay qeyb ka noqdaan howlgalada ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM