Ciidanka oo guulo ka sheegtey guluf ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Saraakiisha ma shaacin inta uu la egyahay khasaaraha iyo hadii ay jiraan waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah.

MUQDISHO, Soomalaiya – Taliyaha milatariga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadalay warbaahinta ciidamada ayaa sheegay in ay gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ay ku dileen ku dhawaad 10 dagaalyahan oo ka tirsan maleeshiyaadka Al Shabaab.

Howlgalka oo ay fulisay guutada 5aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa ka dhacay deegaanka Qabdho oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in sidoo kale howlgalka laga bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen “lacagaha baada ah”.

Maamulka gobolka Hiraan ayaa dhankooda sheegay in ciidanka Milatarigu ku guuleystay “in ay gacanta Shabaab ka fara maroojiyaan deegaanka, iyadoo uu jiro khasaare lixaad leh oo kala gaaray dhinacyada dirirta ay u dhexeysay”.

Saraakiisha ma shaacin inta uu la egyahay khasaaraha iyo hadii ay jiraan waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah.

Majiro wax war ah oo kooxda Shabaab ay ka soo saartay weerarkan iyo jiritaanka khasaraha xooggan ee ay sheegeen saraakiisha ciidamadda dowladda, waxaana wali dhaq dhaqaaqyo ka wada aagii lagu diriray ciidamadda xoogga dalka.

Duulaankan ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib markii Gudoomiyaha gobolla Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ka dalbaday madaxweynaha cusub Xasan Sheekh iyo Wasaarada Gaashaandhigga iney ku dhaqaaqaan weeraro ka dhan ah Shabaabka ku sugan Hiiraan, lama oga in weerarkan uu jawaab u yahay dalabka gudoomiyaha Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM