Ciidanka oo guulo ka sheegtey howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Dhaqdhaqaaqyadan milatari ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga soo wariyey gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtey howlgalo ka dhan maleyshiyaadka Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Taliska Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in aroornimadii Arbacada maanta ah ay la wareegeen tuulooyinka Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey.

Tuulooyinkan oo u dhaxeeya magaalada Jowhar iyo degmada Raageceele ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa muhiim u ahaa isu-socodka argagixisada, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Dhanka kale, kumaandooska Gorgor ayaa howgalo ay ka sameeyeen deegaanno u dhow Nuur Fanax ee gobolka Hiiraan waxay sheegeen in ay ku dileen todoba kamid ah argagixisadda.

"Howgalka kumaandooska xoogga dalka ayaa bar tilmaamadeeystay Maleeshiyaad si dhuumaaleysi ah ku yimaaday tuulooyin ku dhow deegaanka Nuur Fanax," ayay daabacdey wakaaladda wararka qaranka.

SONNA oo soo xiganaysa illo milatari ayaa hadalkeeda waxay intaas kusii dartey: "Ciidanka Xoogga Dalka ayaa halkaasi ku qaarijiyeen 7 dhagarqabe oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab".

Guud ahaan Soomaaliya, waxaa ka soconaya howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab kuwaasoo ay iska kaashanayaan dadka degaanka iyo ciidamadda iyaga oo taageero dhanka hawada ah ka helaya saaxiibada caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM