Ciidanka oo "soo furtey ganacsato u afduubnaa Al-Shabaab"

Image
Tani ayaa ka dambeysay kadib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

AFGOOYE, Koonfur Galbeed - Ciidamadda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay sii daayaan ganacsato ay afduub ku haysatay Al-Shabaab, sidda ay ku warantey warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Warbaahinta qaranka oo soo xiganeysa qoraal kasoo baxay ciidamadda ayaa sheegtay in howlgalkan uu ka dhacay degaanka Basra iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ku xusan warbixinta, inta uu howlgalka socdey ciidamadda ayaa sidoo kale waxay ku guuleysteen in ay dilaan "inta badan maleyshiyaadkii Al-Shabaab ee ku sugnaa degaankaas".

"Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra iyo deegaano kale oo ku dhow dhow, kuwaasi oo maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab si dhuumaalaysi ah ay ciqaab iyo boob ugu gaysanayeen shacabka Soomaaliyeed," ayay tiri warbixinta.

Qoraalka ayaa intaas la raaciyey: "Ciidamada dowladda ayaa laayay inta badan maleeshiyaadkii Argagixisada ahaa ee halkaasi ku sugnaa iyo horjoogayaashii hoggaaminayay".

"Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay maleeshiyaad Argagixiso ah," ayay tabisay warbaahinta dowladda soo xoogineysa saraakiil aysan magacaabin balse ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Ciidamada ayaa sidoo kale ku guulaystay inay sii daayaan dad shacab ah oo ganacsato ay ku jireen kuwaasi oo Argagixisadu si Afduub ah ay u haysteen".

Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Al-Shabaab ay maalmihii lasoo dhaafay sarre u qaadey weeraradda ay ka fulineyso goboladda dalka iyo magaala madaxda Muqdisho kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Kenya.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 07:20AM

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM